HomeMuusow Guuli Kuu Dhawaydaa? W/Q: Abdifatah Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

Muusow Guuli Kuu Dhawaydaa? W/Q: Abdifatah Sh.Nuux Jaamac (Suldaanka)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdifataaxMararka qaarkood go’aan qaadashadu waa tiir ka mid ah tiirarka ay noloshu ku dhisantahay kuwa ugu muhiimsan, inaad go’aan qaadato, oo aad ilaahay talo saarato waa astaan lagu garto ninka guulaysta waana sababta rag is dhaafisay ee qaarna gaysa figta ugu saraysa nolosha, halka qaar kalana ay dhigto sagxada ugu hoosaysa nolosha, inaad hankaaga iyo himiladaada fogaysaa waa qayb ka mid ah yididiilada uu qofka bil aadankii ku noolyahay oo ilaahay ayaa quraankiisa inoogu sheegay inaynu ku noolaano (Baynal Khawfi wa Rajaa ) , RAJO IYO BAQASHO dhexdooda, iyadoo rajadu ay tahay shayga ugu muhiimsan ee sii dheeraysa yididiilada qofka, se qofku maalinta uu han iyo himilo yeelan waayo wuxuu la mid yahay sidii qof dhintay oo kale, shalay ayay ahayd markii uu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi isagoon cidi Khasbayn ku dhawaaqay inuu yahay musharax u sharaxan jagada madaxwaynenimo shanta sano ee soo socda hadii eebe ina nooleeyo, wallow dad badan oo taageerayaashiisa ahi ay soo dhaweeyeen go’aankaasi oo dadka arimaha siyaasada falanqeeyaa u arkayeen, mid geesinimo ku dheehantahay oo muujinaya dareenka, hanka iyo himilada Mujaahidka ,sidoo kalena uu ahaa go’aan yimid wakhtigii ugu macquulsanaa kaasi oo dad badan u arkayeen inay tahay fursad aad u wanaagsan oo uu Muuse Biixi ka faa’idaystay, rumayn kartana hadafkiisii ahaa inuu maruun noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, se waxay noqotay Af-kala qaad, u qaadan waa, iyo wax hore uga dagi waayay maanka iyo maskaxda dadkii taagersanaa Musharaxnimada Muuse Biixi markii ay ku war heleen saq dhexe inuu Muuse hankiisii iyo himiladii uu lahaa in gabal baasi u dumay oo uu god madow ku riday wakhti ay dadka intiisa badani hurdeen, dad badan oo falanqeeya arimaha siyaasada ayaa ku tilmaamay inay ahayd wax laga xishoodo inuu Muuse biixi go’aankaasi qaato kuwaas oo ku macneeyay inuu Muuse lumiyay fursad dahabi ahayd oo hal mar soo martay in badana uu sugayay ahaydna ahayd mar la arag, laakin ay noqotay hal bacaad lagu lisay maadaama oo uu isagoo maankiisa , miyirkiisa iyo maskaxdiisaba qaba uu habeen madow la ciyaar guday, ka dibna kar- kaarka la waydaariyay, taasina waxay ina tusinaysaa in hankii Muuse Biixi oo ku hamiyay in badan uu la mid noqday sida daqiiq wakhti dabayl badani dhacayso lagu daadiyay ban cad , oo ay adagtahay inuu mar danbe helo fursad caynkan oo kale ah.

Sidoo kale taageerayaashii Muuse oo mudo badan ku eedaamayay mikirifoonka iyagoo hadh iyo habeen u soo jeeday inay u hayn waynyihiin tahayna wakhtigiisii uu siyaasada soo gali lahaa ayaa sidoo kale noqotay mid lagu guul daraystay, isku soo wada duuboo dadka falanqeeya arimaha siyaasada ayaa ku tilmaamay inay u qurux badnayd in Muuse Biixi uu soo akhristo gartiisa sidii C/casiis Samaale intaanu geedka iman, iyagoo ku macneeyay in Muuse Biixi aanay ka dhab ahayn go’aankaasi maadaama oo uu sii arkayay ifafaalaha & caqabadaha ka hor imanayay, dadkaasi ayaa waxay ku sheegeen inuu C.casiis samaale isagu ahaa mid qaatay go’aan fiican wakhti ku munaasib ahaa maadaama oo uu taageerayaashii u sheegay wakhti macquul ah, inaanu ahayn musharax madaxwayne ilaa uu Madaxwaynuhu Haakah ka odhanayo, malahayga Muuse Biixina waxaa u qurux badnayd isagoo ka hor intaan rag badan naftooda u sadqayn halka qaarkale oo xilal muhiima ka hayayna ay seefta madawaynuhu dartii u galaafan inuu yidhaahdo ayay ahayd, madaxwayne ana HAAKAH ilaa aad tidhaa soo gali maayo fagaaraha siyaasadeed iyo garoonka ciyaartaba, ugu danbayntii waxaa qurux badan inuu Mujaahidku uu raali galin siiyo taageerayaashii hadhka cad uga dhaqaaqay shaqooyinkii ay haysteen iyagoo far waawayn ku qoray inay taagersan yihiin Musharaxnimadaada, hankaaga iyo himiladaada Mustaqbal, se waxay ahayd inaad raali galin siiso ka dib intaanad ku dhawaaqin inaad is dhiibtay.

Waxaan ku soo Af- meerayaa maqaalkaygan yar ee kooban, sheeko bari dhacday taas oo dhex martay laba nin, kaaso oo midi ahaa Geesi laga daba dhacay, midna uu ahaa Fulay caan baxay, ka dib kii Fulayga ahaa ayaa u imanaya kii geesiga ahaa kuna odhanaya, waxaan rabaa inaad I barto geesinimada, ka dib wuxuu ugu jawaabayaa soo diyaar garow, isagoo diyaara ayuu u imanayaa wuxuuna ku odhanayaa kii geesiga ahaa kii fulayga ahaa ii dhiib gacantaada oo qaniin, ana hoo gacantayda oo qaniin, ka dib gacmihii ayaa la is waydaarsanayaa midkastaana cantuugayaa si uu u qaniino, la is qaniin, se daqiiqado yar ka bacdi ayaa kii Fulayga ahaa ee geesinimada doonayay inuu ogaado waxay tahay uu cabaadayaa, markaasuu kii geesiga ahaa ku odhanayaa, hadaad daqiiqado yar adkaysan lahayd anaa cabaadi lahaa, waxaanad noqon lahayd geesi laga daba dhacay, waxaanu ku soo gaba-gabeeyay hadal dhaxal gal noqday oo ahaa ( FULOW GUULI KUU DHAWAYDAA ) ana hadalkayga waxana ku soo Af-meerayaa (MUUSOW INYAR HADAAD ADKAYSAN LAHAYD, GUULI KUU DHAWAYDAA)

Qalinkii : Abdifatah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka )

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468

MBA Student in Jomo Kenyata University

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories