Home“Muuse Wuxuu Ahaa Wasiirkii Daakhiliga Ee Madaxweyne Cigaal, Ee Dhameeyay Colaadihii Gobolka...

“Muuse Wuxuu Ahaa Wasiirkii Daakhiliga Ee Madaxweyne Cigaal, Ee Dhameeyay Colaadihii Gobolka (Awdal) Yaallay, Ee Cirro….” Wasiirka Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama, 29 Oktoobar, 2017-(SLPOST) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu dalka Somaliland ku leeyahay taariikh dahabi ah, isla-markaana aan laga been sheegi karin.

Warka Wasiirka MadaxtooyadaWasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena murashaxiinta xisbiga Wadddani ku hal-xidhaaleeyey inay soo bandhigaan taariikh hawl qabad ah oo ay dalka ku leeyahiin.

Maxamuud Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyey khayriyada magaalada Boorama, halkaas oo ay isugu yimaaddeen kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, oo ay kaga qayb-qaadanayeen ololaha doorashada, waxaanu hadalladii Wasiirka ka mid ahaa “Awdal iyo Kulmiye iskuma cusba, Awdal iyo Kulmiye miyey isku cusub yihiin? Waxa isku cusub waa la yaqaanaa, waa la yaqaanaa, reer Awdal iyo Waddani way isku cusub yihiin, laakiin Kulmiye iskuma cusba, toddoba sanno ayuu dalka xukumayey, horumar ayuu Awdal ka sameeyey, dhibaaatooyinkii yaalay ayuu xallinay, miyey Maanta xabadi ka dhacaysaa Awdal?, Somaliland miyey xabadi ka dhacaysaa?, Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa, horumarkii Madaxweyne Daahir Rayaale halkan ka hirgaliyey iyo dalkaba waanu sii horumarinay, Nabaddii ay sameeyeena waannu sii wadnay, colaadihii ayaannu ka dhex-qaadnay, waxaannu xidhnay kuwii jid-gooyooyinka galay, ayaa Kulmiye xidhay oo taageerayaashooda ahaa, oo Maanta jeel ku jira, sow maaha. Waxaannu leenahay Murashaxiinta xisbiga Kulmiye iyo reer Awdal-na iskuma cusba, waxa isku cusub murrashaxiinta xisbiga Waddani iyo reer Awdal, Muuse Biixi iyo Awdal iskuma cusba, beenay waa run ayeynu leenahay, Beenay waa run, Muuse Biixi ragga la tartamaya waa ka badsaday Awdal, Camuud ayuu dugsigii sare ka dhiganayey afar sannadood, geed geed iyo guri ayuu u yaqaanaa, way is yaqaanaan dhiggiisa iyo faciisa oo dhan, malaa dhalinyarada ayuunbay isku cusub yihiin. Dhalinyaradana goormay is barteen..”?

Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay  “Muuse wuxuu ahaa Wasiirkii Daakhiliga ee Madaxweyne Cigaal, wuxuu ahaa Raggii colaadihii gobolkan yaalay dhameeyey, ragbaa taariikhda been ka sheegaya, wuxuu laba bilood jiifay Gaarisa, dhibaatadii Xeebta oo dhan Wasiirkii Madaxweyne Cigaal u xaliyey ayuu ahaa, markaa waxa aynnu leenahay laba bilood ayuu halkaana garowga ku cunayey, afar bilood ayuu jiifay magaalada aynu joogno shir-beeleedkii ka socday, oo uu ahaa Raggii ka xalinayey qaabkii Qaran Madax-banaan loo dhisi lahaa, Gabiley ayuu bil fadhiyey isaga oo mushkiladda Ceel-bardaale xalinaya, Muuse Muusahaa weeye, waalla yaqaana Muuse, reer Awdalna waa yaqaanaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ahaa xubin Golaha deegaanka Boorama, wuxuu ahaa muwaadin halkan ku koray, wuxuu ahaa nabaddii iyo horumarkii Nin ka soo shaqeeyey, halkee ayey ka soo shaqeeyeen Maxamed Cali iyo Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro)? Xaggee(Taariikhdee) ayay Awdal ku leeyihiin? Hala soo baxeen maalin, car maalin hala soo baxeen, Awdal maalin ha kala soo baxeen, Sool ha kala soo baxeen, Sanaag ha kala soo baxeen, waar ninka wax khalda ayaa wax wanaajiya, ninka colaadda yaqaan ayaa nabad dhisa, waxaannu leenahay Awdal sow Kulmiye maaha,?, miyey Kulmiye ku hoogtay, soo Kulmiye kumay badhaadhin, Balanteenu waa Kulmiye.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories