HomeMuuse Iyo Cirro Oo Noqon Doona Xudunta Tartanka Doorashada + Madaxweyne Silanyo...

Muuse Iyo Cirro Oo Noqon Doona Xudunta Tartanka Doorashada + Madaxweyne Silanyo Oo Daadihin Doona Muuse Iyo Xulashada Cirro Ee Ku-xigeenkiisa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Bilowga diiwaangelinta cod bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee ka bilaabantay gobalka Togdheer ayaa tusaale u noqotay sida uu tartan adagi u dhex mari doono murashixiinta KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Labadan murashax madaxweyne ee xisbiyadan midna talada hayo midna doonaya inuu qabto, ayaa noqon doona xudunta tartanka doorashooyinka Somaliland, waxaana saadasha tartankaas adag laga dhex arkay diiwaangelintii ka socotay gobalka Togdheer oo inkastoo xisbiga UCID gobalka ka muuqday haddana ay labadan xisbi iyo labadooda murashax noqdeen kuwa keliya ee aadka ugu dhex hirdamayay cod bixiyayaasha is diiwaangelinaya.

Murashax Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore safar ku soo gaalaa bixiyay gobalka Togdheer. Inkastoo Muuse Biixi ujeedada safarka ku sheegay mid wacyigelinta diiwaangelinta la xidhiidha, haddana waxa la aaminsanyahay inuu ahaa safar uu isku muujinayay islamarkaana uu taageero kaga raadsanayay gobalka Togdheer, waana sababta uu xisbiga Waddani safarkaas uga qayliyay kuna tilmaamay olole. Markii uu Muuse ka soo noqday safarkaas, waxa isna weydaartay murashax Cabdiraxmaan-Cirro oo isna safarkiisa ku macneeyay wacyigelin balse ay muuqato inuu taageero doonyahay, waxaanu Cirro Burco kaga qayb galay munaasibad soo dhawayn ah oo uu u sameeyay beesha deegaanka Baliga Diiriye Guuleed oo sheegtay inay cudodooda ku wareejisay xisbiga Waddani, waxaanu ku biiritaankani noqday mid Waddani dheeraaday KULMIYE.

Labada murashax ayaa wejiga labaadna waxay isku waajahayaan gobalka Awdal oo ay ka bilaabmayso diiwaangelinta cod bixiyayaashu. Waxase uu Muuse Biixi doorkan dheeran doonaa Cabdiraxmaan-Cirro inuu gobalka Awdal ku wehelin doono murashaxa madaxweyne-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici oo ka soo jeeda gobalkaas, haddana ah madaxweyne-xigeenka dalka.

Inkastoo safarka Cirro ee gobalka Awdal ay ku wehelin doonaan siyaasiyiinta reer Awdal ee xisbiga ku jira, haddana wuxuu gobalka tagayaa isagoon wadan murashax rasmi ah oo uu xisbigu doortay.

Waloow aan Cirro weli loogu dooran murashax rasmi ah inuu xisbiga u noqdo, haddana sida muuqata isagaa noqon doona murashaxa, waxaanay dadka siyaasadda falanqeeyaa isha ku hayaan xulashada Cirro ee madaxweyne-xigeenkiisa oo hadba kaadhka siyaasadeed ee uu ciyaaraa ay saadaal ka bixin doonto sida ay Cirro iyo Muuse u eekaan doonaan marka la gaadho doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaate doorashooyinka Somaliland ee 2017, waxa la saadaalinayaa in tartanka ugu adagi dhex mari doono Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan-Cirro. Inkastoo ay muuqato in Madaxweyne Silaanyo uu maalmaha ololaha gacanta midig qaban doono Muuse Biixi, haddana mar walba waxa adkaan doonta in saadaal rasmi ah oo runta u dhow laga bixiyo tartankooda iyo cidda guulaysan doonta.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories