Home"Muuse Biixi Waa nin Xog-ogaal u ah Damaca iyo Duruufaha Xisbiga Kulmiye...

“Muuse Biixi Waa nin Xog-ogaal u ah Damaca iyo Duruufaha Xisbiga Kulmiye ku gedaaman…Waxaan doonayaa…” – Siyaasi Maxamuud Xaashi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inaanu mucaarad ku ahayn kana soo horjeedin Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, balse ay jirto sabab ay isku hayaan oo inuu dhammaaday muddo-xileedkii guddoomiyenimadiisa Xisbiga.

blankMaxamuud Xaashi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad soo dhawayn ah oo ay ku qaabileen jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska oo uu ku sugan yahay, waxa uu sheegay inaanu ahayn siyaasi mucaarad u ah madaxweynaha balse uu yahay murashax u taagan xilka Guddoomiyaha Kulmiye marka la gaadho shirweynaha Xisbiga.

“Xisbiyada waxaynu u samaysannay inaynu ku tartanno oo dadku wax kala doortaan oo aynu himilooyin iyo aragtiyo kala duwan keenno. Raggii mudnaanta iyo miinada iga lahaa waan la soo shaqeeyey, waan la daweeyey. 

Waxaan maanta u arkaa ammintii kuyuugu aniga i soo gaadhay. Iskama riyoon, laab-la-kac ma daarrana damacaygu, waxaan u arkaa inaan halkaa soo gaadhay, waxaan u arkaa munaasib inaan ku ahay in maanta Xisbiga Kulmiye hoggaamiyo”, Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Siyaasi Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay, “Aqoonta aan u leeyahay madaxweyne Muuse, waa odaygii Qaranka waana odaygii Xisbiga. Waa nin Xog-ogaal u ah damaca iyo duruufaha Xisbiga Kulmiye ku gedaaman.

Madaxweyne Muuse Biixi Mucaarad kuma ihi, shalayna waan dhisay oo waxba ma hagran, maantana waan taageerayaa oo waan la shaqaynayaa.Madaxweyne-nimada iyo xilka qaranka uu hayo nin hunguraynaya  ee riixaya ma ihi, Muddo-xileed labaad inuu tartamona xaq buu u leeyahay, laakiin anigu waxaan doonayaa waa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye”, Sidaas ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsna ka jeediyey munaasibad laysku arkay oo jaaliyadda reer London ku qaabileen siyaasiga oo muddooyinkii u dambeeyey socdaal ku marayey waddamo dhowr ah oo ka tirsan qaaradda Yurub.

Somalilanpost.net
somalilandpost@live.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories