HomeMuuse Biixi Siyaasiga ugu godobta badan uguna illowshaha badan!

Muuse Biixi Siyaasiga ugu godobta badan uguna illowshaha badan!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

“Ninkaan taada weynayn, isna tiisa waydee.” Abwaan Hadraawi

Qoraalka maqaalkaygani kuma sal laha tartanka musharraxnimo ee u dhexeeya Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi. Hasa yeeshee, waa mid ku dhisan dhacdo na dhex martay aniga iyo Muuse Biixi, waxa aanan jeclaystay inaan ummadda la wadaago. Badhtamihii Gu’gii 2012. ayaan markii ugu horreysay fool ka fool isku hor fadhiisannay Gudd. Muuse Biixi Cabdi . Waxa ay ahayd barqo hore, waxa aan wada soconnay nin Cabdirishiid Haybe Dubad la yidhaa oo ah“ Guddoomiye-xigeenka ururka ganacsatada Soomaaliyeed” ee xafiiskoodu yahay dalka Djibouti. Waxa aan ku wada qureecannay hudheelka la yidhaa “Saba.” Goortaa waxa aan ahaa Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somaliland ee Djibouti. Waxa aan markaa marti uga ahayn guddoomiye Muuse Biixi Cabdi in uu taageero ka geysto hawl aan markaa gacanta ku haynay muddo 8 bilood ah oo ahayd in 25 arday oo reer Somaliland ah oo jaamacadaha laga soo xulo oo aan rabnay in ay aqoon is waydaarsi u tagaan jaamacadda Djibouti. Wax walba waxa ay ku dhawaayeen gabo-gabo, shirkadda Telesomayaa deeqda lacageed ee ugu badan ku bixisay barmaamijkaygaa.

Dhinacaygii oo aniga iyo Cabdirashiid aan u hadlaynay iyo Guddoomiye Muuse Biixi waxaa na dhex martay dooddan;

Gud. Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Cabdirashiid Haybe:Muusow abti nimankan dhalliinyarta ah aan is kiin baro, nin ka adiga ku soo xiga waxaa la yidhaa Maxamuud, nin kaa kalena waxaa la yidhaa Cabdinaasir. Waa guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Djibouti , wax badan ayay qabteen intii ay meesha joogeen xafiiskayga ayay iigu yimaaddaan, wixii aan la qaban karayay waan la qabtay, adna waxa aan marti kaaga nahay wixii ay kuu sheegtaan sida ugu wanaagsan ee aad wax uga qaban karto inaad uga qabato. Hadalkana waxa aan ku wareejiyay Cabdinaasir oo hawsha warkeeda oo dhan ku siin doona.

Gud. Cabdinaasir Axmed Ibraahim: Mudane guddoomiye waa sidaa Cabdirashiid kuu sheegay, in muddo ah waxa aan ku hawlannayn in aan arday reer Somaliland ah Jaamacada Djibouti aqoon is waydaarsi u geyno. Guddoomiye hawshaa wakhti iyo tacab badan ayaa naga galay, axsaabta qaranku way nagu taageeraan midba intii tamartiisu ahayd. Adna maadaama aad xisbi xaakimkii aad guddoomiye u tahay, wax alla waxii aad ku darsan karto barmaamijkaa, maal, muruq, maskax iyo xidhiidh ba marti baan kaaga nahay Guddoomiye.

Gud. Muuse Biixi Cabdi: Horta Cabdirashiidow anuu garan maayo carruurtan tayada xidhan, laakiin adigaan ku garanayaa. Ka hor intaanan hadalka la wareegin, waxa aan doonayaa inaan dhallinyarta waydiiyo dhowr su’aalood.                                                                                                                       Gud. Cabdinaasir Axmed Ibraahim: diyaar baan u nahay inaan kaaga jawaabno‘e, soo daa adeer.                                                                                                                                                        Gud. Muuse Biixi Cabdi:dhinaca xukuumadda ayaad arrintan u sharraxdeen ee idin la qaatay?   Gud. Cabdinaasir Axmed Ibraahim: Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi iyo wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda  Cabdilaahi Jaamac Geel-jir. Dhammaantood midba arrin ayaan u xilannay.               Gud. Muuse Biixi Cabdi:adeer Rag aan Djibouti iska daa’e, Hargeisa waxba ka qaban Karin ayaad ii taxaysaa. Bal iyaga iska illow oo Madaxweyne Siilaanyo haddii Dal ku galka Djibouti idin siiyo aad Djibouti gashaan!.

Gud. Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Cabdirashiid Haybe: abti Muusow ka daa…!

Kulankii madhalleyska ahaa sidaa ayuu ku dhammaaday, waxaa noo bilaabmatay colood hor leh aniga io Muuse. Mar danbe oo uu ka soo qayb galay shir ka dhacay hudheelka Kampeski ee Djibouti ayaan waydiiyay inuu Muuse I garanayo iyo in kale. Wuxuu iigu jawaabay adeer maxaan kaa garan. Wakhtigaa ayay ii soo baxday in Muuse biixi yahay; Siyaasiga ugu godobta badan uguna illowshaha badan!

Goor danbe oo kale oo uu Muuse Biixi saaxiib mararka qaar xabbadda iska dhigi jiray uu wax aan waxba ahayn ku waayana waxaa ii caddaatay inuu yahay; Siyaasiga ugu saaxiib cusub kasbashada badan, ugu na saaxiib hore luminta badan!

W/Q- Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories