HomeMuuse Biixi Oo Sheegay in Wasiirada Iscasilay la Eegayo inay ku Gafeen...

Muuse Biixi Oo Sheegay in Wasiirada Iscasilay la Eegayo inay ku Gafeen Xeerka Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha xisbi xaakimka Kulmiye, ayaa ku dooday in wasiirada iscasilay loo eegi doono xeerka ciqaabta Kulmiye, haddii aanay qodobada ciqaabta ku gefinna ay xisbiga sii mid ahaan doonaan. Xukumadda Kulmiye waxaa iska casilay inka badan toban oo iskugu jira wasiir, wasiir xigeenno iyo afhayeenka madaxtooyada oo badankoodu mar is wada casilay.

 

“Wasiirradani waa qof aqoon-yahan  ah oo madaxweynuhu uu karti ku doortay, beri buu dooran karaa, maanta wuu eryi karaa. Waxay ku xidhan tahay siday isku casileen ayaa horta sharciga loo eegayaa. Xisbiguna xeer ayuu leeyahay  qofkii ku gefa xeerkaas waa lagu ciqaab mariyaa,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi oo VOA-da u waramay.

 

Guddoomiyaha  Kulmiye ayaa ku doodaya in haddii xubnaha iscasilay si abaabulan isu casileen talaabo laga qaadi doono “Waxa la is weydiin doonaa miyay ka hor yimaadeen (Wasiirradii Iscasilay) barnaamijkii xisbiga iyo xukuumadda. Haddii ay noqoto HAA inay ka hor yimaadeen oo waliba si abaabulan uga horyimaadeen. Xeerka xisbigu wuxuu tilmaamayaa in tallaabooyin laga qaado. Haddii ay arrin iska caadi ah noqotana qofku xisbigiisii wuu iman karaa.”

 

Guddoomiyaha Kulmiye wuxuu ku dooday inaanay wasiirrada iscasilay saamayn ku yeelan doonin xukumadda “Waxay ila tahay saamayn ku yeelan maayo, marka hore Wasiirradu waa dhawr iyo konton sagaal ayaa is casilay. Waad arragtaan oo dawladii way dhisan tahay. Ta labaad dawladdu waa dawlad madaxweynuhu maamulo oo madaxweynuhu awooda leeyahay. Ma aha dawlad baarlamaan ku fadhida, ninka Wasiirka ah madaxweynaha ayaa shaqadda qora. Wasiirraduna waxay madaxweynaha ka kaaliyaan hawshiisa  iyo siyaasad gaar ah iyo awood ay leeyihiin oo gooni ahi ma jirto,” ayuu yidhi Mr Muuse.

 

Ugu dambeyn wuxuu guddoomiyaha Kulmiye ku dooday in madaxweyne Siilaanyo xaq u leeyahay inuu taageero cid ka mid ah musharaxiinta Kulmiye waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waa Guddoomiyihii xisbigan aasaasay, madaxweynuhu caalamka oo dhan haddii uu xilka ka degayo waa khasab inuu cid u soo dhiso oo u soo barbaariyo.Markaa ceeb ma aha haddii uu aniga ama qof kaleba uu soo jeediyo oo uu yidhaahdo qof kaas ayaa ku habboon. Waxay ila tahay madaxweynuhu ma aha Komishaneer u dhex ah xisbiyadda. Maadaama oo uu odaygii xisbigan soo aasaasay yahay, waa ku waajib inuu cid taageero oo hawshaas ka bixi kara, mana ah wax laga cadhoodo.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories