HomeMuuse Biixi Oo Sheegay In uu Sharciga Xisbiga Kulmiye u Hogaansamayo Haddii...

Muuse Biixi Oo Sheegay In uu Sharciga Xisbiga Kulmiye u Hogaansamayo Haddii La Doorto Iyo Haddii Kaleba

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost) -Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin u diray xisbiga Kulmiye iyo musharaxiinta la loolamaysa, waxaannu ku booriyay in laga fikiro isku haynta xisbiga iyo mustaqbalka fog ee Kulmiye. Waxaana uu sheegay inuu sharciga xisbiga u hogaansamayo haddii la doorto iyo haddii kaleba.

 

Guddoomiye Muuse Biixi oo Hotelka Ambasador kulan taageero ah kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ugu jira bulshada degaanka koonfurta bari ee Hargeysa ayaa ku dooday in Kulmiye musharaxiintiisu isku degaan ka soo wada jeedaan “Tartanka Kulmiye marka si loo eego waa iska yara mucjiso! Waayo waxa iska soo sharaxay waa wada Ilmaaadeer laakiin dee nasiib wanaag abtinimadii ayaan dheeraaday,” ayuu yidhi Muuse Biixi

 

Waxa uu sidoo kale guddoomiye Muuse Biixi farriin u diray Kulmiye “Reer Kulmiye ayaan la hadlayaa, xisbiga guddoomiyihiisii baan ahay, odaygiisii baan ahay, raadkii Odaygeenii(Siilaanyo) hore ayaynu raacaynaa, in xisbiga la isku hayo, in xisbiga laga ilaaliyo wixii duul-duul ah, haddii la tartamayo in tartanku hufnaado mar walba, inaynu wax walba ka hor marino xisbi nimada,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

 

Guddoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Waa inaynu ka fikirno in Kulmiye noqdo sida xisbiyada qaar mid boqolaal sanno jira oo jiilba jiil ka dhaxlo. Maaha Kulmiye Kursigaan ku gaadhayaa oo Kursigaan u soo doonanayaa ma noqonayso. Kulmiye wuxuu ka joogaa halgan hore, mustaqbal dheer  buu leeyahay. Kulmiye way ka reeban tahay nin doonayaa inuu kursiga ku fuulo ama u soo doonta inuu Kursi ku fuulo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

 

Ugu dambeyn guddoomiyaha kulmiye wuxuu balanqaad u sameeyay xisbigiisa haddii musharaxa loo doorto waxaanu yidhi “ Haddii golaha dhexe I doorto iyo hadduu I yidhaa sanadka iska joog iyo hadduu I yidhaa iska sii fadhi iyo hadduu I yidhaa waligaaba iska joog waxaa mar walba igu waajib ah inaan sharciga xisbiga u hogaansamo, inaan xisbiga isku hayo, inaan mustaqbalka xisbiga eego, taas baa aniga iga go’an,” ayuu yidhi guddoomiyaha Kulmiye.

 

Ololaha tartanka musharaxnimada Kulmiye ee shirka golaha dhexe ee bisha dambe ayaa si weyn looga dareemayaa Somaliland, waxaana tartanka ugu weyni u dhexeeyaa guddoomiye Muuse Biixi iyo wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, iyadoo musharaxiin kalena ay jiraan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories