HomeMuuse Biixi Oo Ka Jawaabay Hadallo Hanjabaad Ah Oo Kasoo Yeedhay Mucaaradka

Muuse Biixi Oo Ka Jawaabay Hadallo Hanjabaad Ah Oo Kasoo Yeedhay Mucaaradka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadalo maalmahii ugu dambeeyey ka soo baxay xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ku saabsanaa in aanay waxii ka danbeeya 27ka Julaay aanay aqoonsan doonin xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in ay ka soo baxayeen hadalo xanaf leh oo cabsi galinaya bulshada Somaliland, waxaana uu hadaladaas ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin isla-mar-ahaantaana aanay 27ka Julaay waxba dhici doonin sida oo kalena uu madaxweyne sii ahaan doono madaxweyne Siilaanyo marka lagu heshiiyo arrimaha doorashooyinka.“Waxaanu doonayaa inaan umadda u cadeeyo in arrintani ay ku kooban tahay golaha wakiilada, waa dhab oo waxa…” – Muuse Biixi

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey xaflad lagu soo bandhigaayey saliidaha gawaadhida, waxaana uu sheegay in hadaladaas ka soo yeedhaya siyaasiyiinta mucaaradka uu u arko in ay yihiin goolaaftan siyaasadeed oo ay siyaasaddu iska leedahay.

“Mucaaradka waxaa ka soo yeedha warar kul kulul oo had iyo jer cabsi galiya ganacsatada iyo ardayda iyo dadka nabad jecel oo odhanaaya waxbaa dhacaaya 27ka dawlad jiri mayso, dawlada ma aqoonsanin, xagan ayaanu ka soo ridaynaa, xagan ayaanu ka soo dhacaynaa, ummada waxaan u sheegayaa waxaas waxaa la yidhaahda goolaaftan siyaasadeed, waad aragten ciyaalka ka aan kubadda aadka u ciyaari aqoonin banaanka marka la joogo aad ayaa uu u qaylo badan yahay, marka garoonka la soo galo se tuuska ii soo qabta ayuunba uu yidhaahda xataa lugna kuma hagaajiyo kubadda, marka rag siyaasiyiin ah oo xisbiyo ku jira oo qaarkood laga yaabo in ay magac murashax in ay sheegtaan ayaa intaa waxaa ay ku doodayaan aqoonsan mayno oo dawladi jiri mayso, 27ka waxaas ayaa dhacaaya”.Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa carabka ku dhuftay in aanay arag balaayo uu sheegay in ay mar walba mucaaradku ka dayriyaan.

“Waxaa ay ila tahay taasi waa hadal goolaaftan ah oo aan ummada u sheegayo in aanay waxba dhacayn Illaaha iidankii, nabadeena ayeynu ku soconaynaa, barwaaqo ayeynu ku jiraynaa, waa aynu dedaalaynaa ma odhanayno boqolkiiba boqol waa sax wax waliba oo Kulmiye oo dawladiisuba waa sax Illaahay ayuunba wax sax ah laga helaa, waa se la dedaalayaa, dhaliishana waa la ogal yahay in la isu sheego, waxaas ayaa innaga dhiman ee aan buuxino waan garanay, laakiin erayadan soo duul duulaya ee cashuur bixin mayno iyo dawlad aamini maynayo, dawlada ayaanu dacweynaynaa iyo gaalo ayaanu tagnayo, gaaloy noo kaalayayo, annagu balaayadaas ma aragno, Illaahayna innooma keeno, waxaan ummada u sheegaynaa in ilaa doorashada laga gaadhayo oo hawsheedii lagu jiro, waxa ay dadka qaarkood ku hadlayaan in ay hadoof tahay dalkuna nabad yahay, dawladana waxaan u dooranay in ay nabad-galyada ilaaliso”.Ayuu yidhi Muj.Muuse Biixi Cabdi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories