HomeMuuse Biixi oo ka hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Mucaaradkana Wada-shaqayn ugu baaqay

Muuse Biixi oo ka hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Mucaaradkana Wada-shaqayn ugu baaqay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ahi ka soo saartay dacwad xisbiyada Mucaaradka uga gudbiyeen hay’adaha ammaanka oo is-hortaagay shir wada-tashi oo mucaaradka u qabsoomi lahaa Khamiistii maanta.

Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa ay go’aan ka soo saartay oo shalay xisbiyada mucaaradku u gudbiyeen dacwad ka kooban laba qodob oo kala ah in laga horjoogsaday qabsoomidda shir ay ku sheegeen talo-qaran oo ay Salaasadii todobaadkan iclaamiyeen iyo in Hoteellada magaalada Hargeysa lagu soo rogay amar ah inaanay mucaaradka ka kirayn karin meheradooda.

muuseWaxa ay maxkamaddu go’aamisay in dastuurka dalka iyo xeerka xisbiyada qaranku u oggol yihiin axsaabta mucaaradka inay qabsadaan shir, balse waxa ay qodob labaad ku xustay inay reebban tahay shir Talo-qaran ku magacaaban oo ay qaban karaan mucaaradku, maadaama aanay ka mid ahayn goleyaasha Qaranka ee Dastuurka ku sugan oo kala ah Golaha Fulinta iyo Sharci-dejinta.

Haddaba, Guddoomiye Muuse Biixi oo war-saxaafadeed uu go’aanka Maxkamadda kaga hadlayo soo saaray caawa, ayaa sheegay inuu si gaar ah u soo dhawaynayo qodob saddexaad oo uu sheegay inuu ku jiray qaraarka Maxkamaddu shaacisay, kaasoo sheegaya in dhinacayada ay Doorashooyinku khuseeyaan soo af-jaraan muranka siyaasadeed ee taagan.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Muuse Biixi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, waxa uu xisbiyada mucaaradka ugu baaqay inay kala hawl-galaan sidii loo dhammaystiri lahaa heshiis hore looga gaadhay xilliga doorashooyinka la qabanayo oo dhexmaray saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda, kaas oo dhigayey in wakhtiga doorashooyinka loo muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka.

War-saxaafadeedka Guddoomiyaha Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aanka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjaraan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iyadoo horeba KULMIYE uu ugu jiray sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaannuna ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawlgalaan dhammaystirka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay,” Sidaas ayuu Muuse Biixi ku sheegay war-murtiyeedka uu caawa soo saaaray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories