HomeMuuse Biixi oo ka hadlay Dagaalkii Saaka Ciidamada Qaranku kula wareegeen Buuhoodle...

Muuse Biixi oo ka hadlay Dagaalkii Saaka Ciidamada Qaranku kula wareegeen Buuhoodle iyo Mawqifka Xisbiga ee Shirka Taleex

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 15 January, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay mawqifka xisbiga ee ku aaddan Shirka Taleex isla markaana shacbiga ugu baaqay inay xukuumadda ku taageeraan difaaca iyo midnimada dalka.

Guddoomiyuhu sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaalkii Saaka Ciidamada Qaranku kula wareegeen magaalada Buuhoodle isaga oo sheegay in Ciidamadu ay halkaa kula dagaaleen maleeshiyo u adeegaysa Shirka ka socda Taleex. Guddoomiyuhu waxa uu ku nuux-nuuxsaday in qaranimada iyo midnimada Somaliland ay lagama maarmaan tahay isla markaana Xisbigiisu xukuumadda ku taageeraayo difaaca dalka.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo isaga iyo xubno ka tirsan hoggaanka Xisbigu ku qabteen Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyuhu waxa uu xusay in mawqifka xisbiga talada haya ee Kulmiye  ka taagan yahay arrinta shirka Taleex uu  la mid yahay kii shalay uu madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland sheegay, waxaana uu intaasi ku daray in midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada qaranka Somaliland uu yahay lama taabtaan.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu farta ku fiiqay in  shirka Taleex ay majaro habaabiyeen rag  fidnowalayaal ah oo ku soo duulay qaranimada wadanka,  waxaanu xusay in ay waajib tahay xukuumadu  inay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho wadajirka iyo qaranimada jamhuuriyada Somaliland. Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu ku nuux-nuuxsaday in xukuumada ku barbar taagan yihiin dedaalka loogu jiro maamul fidinta, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in xukuumada lagu barbar istaago talaabooyinka dhinacyada horumarka iyo adkeynta amaanka iyo maamul fidinta.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories