HomeMuuse Biixi oo Daboolka ka Qaaday Sir ay Madaxweyne Siilaanyo isku ogaayeen...

Muuse Biixi oo Daboolka ka Qaaday Sir ay Madaxweyne Siilaanyo isku ogaayeen oo Midkoodba midka kale uga shakiyey inuu kashifay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpst)- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa fashiliyey Sir ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Isagu, isla markaana ku saabsan qorshaynta dib-u-dhac ku yimaadda doorashada Madaxtooyada si loo helo muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, sida loo fasilay ama ka dhadhamaysay hadal ku jiray war uu bixiyey Guddoomiye Biixi.

muuse-iyo-siilaanyoMuuse Biixi oo ka hadlayey walaac ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ka muujiyeen dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka kala duwan ee lagu wado inay sannadka dambe ka qabsoomaan dalka Somaliland ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, ayaa sheegay inay yaab ku noqotay markii ay warkaas arkeen, isla markaana ay Madaxweynaha iyo Guddoomiye ahaan ka wada-shireen, isna weydiiyeen midkooda uu ka baxay wax gaar ah oo ay labadoodu isla ogaayeen sida uu Muuse sheegay, isagoo daba socday dhawaaqa ka soo yeedhay iyo heshiiska ay wada-galeen WADDANI, UCID iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga la baxay oo dhigaya in dawlad wadaag ah la sameeyo haddii dib u dhac ku yimaaddo doorashada Madaxweynaha.

“Doorashooyinka soo socda ee Qaranka ee Baarlamaan leh ee Madaxtooyo leh wakhtiyadoodii iyo hawlohoodii, shalay (dorraad) waxa hadlay Xisbiyada Mucaaridka ah, waxay ka cawdeen oo ay yidhaahdeen waxaannu walaac ka muujinaynaa in ay Xukuumadda iyo KULMIYE ka cago-jiidayaan doorashadu inay ku qabsoonto wakhtigeedii. Ma xuma dad wax wada lihi waxa la yidhi laba kala cabanaysaa waa intay isu jiraan, hadday yar walaaceen oo ay naga cabanayaan ma xuma, laakiin wixii daw ah ayuun baannu sheegaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay Shalay Masuuliyiinta Xisbigaasi ku qabteen magaalada Hargeysa.

Waxa uu ku dooday Muuse Biixi inay arrimaha doorashada ka wada socdeen labada Xisbi Mucaarad, waxaanu yidhi; “Marka u horreysa arrimaha doorashada tallaabo tallaabo ayaannu uga wada soconnay labada Xisbi ee Mucaaridka ah, waxaannu wada saxeexnay qodobbo badan oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinka iyo qolada innaga caawisa doorashooyinka, waxaannu ku heshiinnay inay doorashadu wakhtigeeda qabsoonto, heshiiska saddexda Xisbi oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddiga doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyeyaashu Dhukumentigiisii baa la hayaa.”

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dooday in heshiiskaas ay qayb ka ahayd in doorashada ka hor la helo diiwaangelinta Muwaaddiniinta iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, si loo helo tiro cayiman oo codayn karta, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah, isagoo xusay in wax la iska weydiiyey inaanay diiwaangelinta Muwaaddiniintu caqabad ku noqon ama saamayn ku yeelan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka, taasna la isku af-gartay oo wada-jir la isula qaatay.

“Qolada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha oo ay dhegta wax u saareen waxay nagu yidhaahdeen idinku KULMIYE ayaad tihiin ee ma tihidin Xukuumaddii, dalka Madaxweynaa Xukuma dadku doortay oo awoodda leh, wixii aad Xisbi ahaan kula heshiiseen (Mucaaridka) Saxeexii Madaxweynahana keena, Saxeexii Madaxweynahana waannu keennay, waanu soo saxeexay intii aannu ku heshiinnay inay sidaas u socoto. Wax shaki ah, wax khilaaf ah iyo wax la isku tuhmo oo arrinta doorashooyinka ah oo saddexda Xisbi iyo Daneeyayaasha arrintaas ka dhexeeyey ma jirin, yaab bay nagu noqotay inay yidhaahdaan waannu ka walaacsannahay, waxay ahayd saaxiibbadayo labada Guddoomiye iyo Anigu arrintaas si daacad ah baannu uga wada soconnay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi.

Waxaanu Muuse sheegay inaanay u yeedhin Xisbiyada Mucaaridka ahi cid KULMIYE ah markii ay Axaddii toddobaadkan qabanayeen Kulanka ay heshiiska ku gaadheen, walaacana kaga muujiyeen qabsoomidda doorashada, waxaanu yidhi; “Noomay yeedhin KULMIYE ahaan, aniga ilamay soo xidhiidhin, may odhan waxaas iyo waxaas baannu idinku tuhunnay, waxaas iyo waxaas baannu dareennay ee waddanka maxaa soo galay waataynu wax isku ogeyne, shalay (dorraad) ayuun baa eed culus la soo furay.! Waxaannu leenahay sidii Madaxweynuhu ka hor-yidhi labada Gole maalin in la dhaafiyo ma oggolin, sidii aan idiiinla saxeexday aniga oo Guddoomiyaha KULMIYE ah ayay doorashadu halkeedee nooga tahay, wax dareen ahna ma qabno.”

Muuse Biixi Cabdi oo sharraxaad ka bixinayey waxa ay Madaxweynaha kaga wadahadleen kulanka dhex-maray habeen-hore markii ay Warka Mucaaridka daawadeen ka dib, waxa uu yidhi; “Shalay (dorraad) marku warku soo baxay xalay (habeen-hore) Madaxweynaha arrintaas waannu isaga nimi, Shir baannu ka wada-yeelannay, waxaan ku idhi; ‘Madaxweyne ma wax tuhun ah baa adiga lagaa dareemay, ma wax baa wixii aynu isku ogeyn ka baxay? Mayanee Adiga ma wax baa adiga lagaa dareemay, Ma adaa lagaa shakiyey anigu halkii baan taaganahaye? Maya!.”

“Waannu isa soo waraysannayoo meel alla meel arrintaa nalooga nisbeeyo oo aannu ka caga-jiidayno ma jirto. Markaa, waxaannu leenahay warkaas aad ummadda u gudbiseen halkii aynu isku ogeyn iyo hawshii oo aannu wadnaa buu naga taagan yahay, ma hayno warkaas, war jira maaha, idinkuu idinku eg-yahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Hadalkan Muuse Biixi, ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa, waxay ku doodayaan inuu iftiimiyey Sir ay isku ogaayeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo la xidhiidha cabsida iyo walaaca ay Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu ka muujiyeen qabsoomidda doorashada sannadka soo socda la filayo, isla markaana uu hadalka Muuse muujinayo kala-shaki soo dhex-galay isaga iyo Madaxweynaha oo midba midka kale uga shakiyey inuu bixiyey xog ku saabsan waxa ay isku ogaayeen ee uu Guddoomiyaha KULMIYE sheegay inay wax-iska-weydiiyeen, ka dib Heshiiska iyo go’aanka Mucaaridka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa dhawaan sheegay inaanay jirin wax Madaxweyne Siilaanyo u diidaya in muddo-kordhin loo sameeyo marka uu dhammaado wakhti-xileedkiisa sharciga ah ee shanta sano ee la doortay oo ku eg ama ku idlaanaya 26-ka bisha Juun ee sannadka soo socda ee 2015-ka, maaddaama oo uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu dhammaaday wakhtigii sharciga ahaa ee la doortay Golahaas oo ku ekaa 2010-kii, afar sano oo dheeraad ahna Golaha uu hoggaamiyaa ku fadhiyo muddo-kordhin.

Waxaanay Masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI iyo UCID tan iyo bilawgii sannadkan ay si aad ah ugu cel-celiyeen inay Xukuumaddu qorshaynayso in Muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland. Inkasta oo ay markasta Masuuliyiinta Xukuumaddu eedayntaa iska difaacayeen, isla markaana Madaxweynuhu hore u sheegay inaanu rabin marka wakhtigiisu dhammaado in saacad loo kordhiyo, haddana waxa muuqda cabsi iyo hadal-hayn badan oo Mucaaridku muujiyeen. Waxa haddana la odhan karaa hadallada ka soo yeedhay Wasiir Cabdillaahi-Cukuse iyo Guddoomiye Muuse Biixi waxay si dadban u iftiiminayaan qorshe aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Xigasho

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories