HomeMuuse Biixi oo Afka Xidhay Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley...

Muuse Biixi oo Afka Xidhay Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley iyo Hirdanka Laga Dareemay Masuuliyiin Katirsan Xukuumada oo isu seegay arintan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,  Muuse Biixi Cabdi ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in, uu ka hadlo arinta Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Aamiin Muuse Xirsi, oo Khamiistii loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Gabiley kadib markii maalintii Arbacadii lagu xidhay Saldhiga Booliska Gabiley, iyadoo lagu eedeeyay in ay is af dhaafeen Xoghayaha D/hoose ee Gabiley.
Sababat uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, gacmaha uga laabtay Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ee Gobolka Gabiley ayaa lagu sheegay in ay ka danbeysay kadib markii, ay Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley diideen in ay amar ka qaataan Muuse Biixi oo
soo amray in si degdeg ah loo sii daayo, arintaas oo ka cakirantey dhinaca Gabiley, islamarkaana aan laga hoos qaadin in la meel mariyo amarka Guud ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku dalbaday in ooda laga qaado Amiin Muuse Xirsi Gudoomiyhii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa guud ahaanba ka gaabsadey in ay tafaasiil ka bixiyaan Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, iyadoo loo dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe ee Gabiley oo uu ilaa hada ku sugan yahay , waxaana aan ilaa iyo hada ka hadal Xadhigiisa Siyaasiyiintii Xisbiga Kulmiye, ee kasoo jeeday Gobolka Gabiley kuwaas, oo hore ugu kala qeybsanaa garabyo ay ku kala feyshan yihiin how-lwadeenada Xisbiga Kulmiye ee Heer Gobol iyo Degmo.
Aamiin Muuse Xirsi, Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, oo hada ku jira Xabsiga Dhexe ee Magaalada Gabiley, ayaa oo warbaahinta Fariin ugu soo dhiibay eheladiisa oo Xabsiga ku booqday
Jimcihii shaley ayaa sheegay, in uu ku xidhan yahay Xaq-daro islamarkaana xadhigiisa xiligani ka dhashay in lagu sii adkeeyo iyadoo aanay weyneyn sababta markii hore lagu xidhay oo uu ku sheegay, in ay aheyd muran dhex maray isaga iyo Xoghayaha D/hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor, waxaanu carabka ku dhuftey in lagu sii adkeeyay Xadhiga kadib markii Xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe iyo Muuse Biixi ay masuuliyiinta Gabiley kusoo amreen in si degdeg ah loo sii daayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka, waxa kale oo Amiin Muuse Xirsi ku cowday in ay ragii uu lamidka ahaa ee Gudoominayay Xisbiga ee Gobolada kale ee dalku ay mutaysteen xilal lagu abaal mariyay, oo Xukuumada looga dhiibay  marka laga reebo Gabiley, oo aan dib loo soo eegin waxaanu ku sababeeyay arintaasi, in ay dhinaca Madexweynaha Axmed Siilaanyo, marka layidhaa Gobolka Gabiley uu uga wakiil ahaayeen rag uu kamid yahay C/casiis Samaale, haseyeeshee, aanay wax tix galin
ah habayaraatee ku  lahayn Siyaasiyiinta Kasoo jeeday Deegaanka oo iyagu midba midka kale u muuqdey.
Majiraan wali cid ka hadashay, Xadhiga Masuulkan haday, tahay Xildhibaanada Golaha Wakiilada ugu jira Gabiley ee kasoo baxay Xisbiga Kulmiye,sida Xildhibaan Ibraahim Axmed Heybe, iyo Cabdi Casiis Muxumed Samaale Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada, waxaana ilaa iyo hada muuqata in sababta xadhigiisu u muuqato in loo rogay qaab wanjal ah iyadoo, sida la sheegay aanay buurnayn khilaafka dhex maray isaga iyo Xoghayaha D/hoose waxaanay dadka qaar xiligan leeyihiin wuu dhirbaaxay Xoghayaha halka qaar kalena, ay ka leeyihiin way is af dhaafeen laakiin, waxa iyagu amuurtaasi afka ka xidhay Maamulka Gobolka  iyo ka Degmada Gabiley, hadey xataa tahay Xoghayaha D/hoose ee Khilaafku dhex maray Gudoomiyaha Xidhan ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.
Dhinaca kale Xoghayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley, Aadan Maxamed Xaaji iyo Yuusuf Cilmi Dabalule ayaa si adag u cambaareeyay, xubno ku hadaly Magaca Xisbiga Udub ee heer Qaran kuwaas, oo ay ku tuilmaameen in ay sabab u ahaayeen in laga guuleysto Xisbigii Udub isalamrkaana, uu Xisbigaasi u baahan yahay gurmad iyo dad cusub oo aan aheyn Wasiiradii Xukuumadii hore, ee Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories