HomeMuuse Biixi Muxuu ka yidhi Inuu uga Tanaasulo Madaxweyne Siilaanyo Murashaxnimada Xisbiga...

Muuse Biixi Muxuu ka yidhi Inuu uga Tanaasulo Madaxweyne Siilaanyo Murashaxnimada Xisbiga KUlmiye?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii u horreysay tan iyo markii uu shaaciyey inuu u taagan yahay murashaxnimada Madaxweynaha ee Kulmiye bishan horaanteedii, waxa uu ka hadlay isla markaana meesha ka saaray inuu u tanaasulayo madaweyne Siilaanyo murashaxnimada doorashada la filayo inay sannadka dambe ka qabsoonto dalka.

muuseWasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka hadlayey damaca madaxweyne Siilaanyo ee doorashada soo socota, waxaanay sheegeen inuu madaxweynuhu yahay murashax u taagan in labaad loo doorto hoggaaminta dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, waxa uu ganafka ku dhuftay Wax tanaasulaad ah oo uu cid kale u samaynayoh, isaga oo ku dooday inuu xaq u leeyahay musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee uu uga dhex tartamayo xisbiga gudihiisa, isla markaana aanay jirin sabab uu u tanaasulo.

Goddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo la weydiiyey sida uu u arko Aqoonyahanno iyo Odayaal u soo jeediyey inuu u tanaasulo madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ku jawaabay, “Maxaa loo sheegayaa tanaasul, qof kastaaba inuu is-sharaxo xaqbuu u leeyahay, xisbiyadana waxaa loo samaystay in lagu tartamo, qof kastaana wuxuu sheegayaa fikirka cidda uu taageersan yahay, sabab loo tanaasulaana ma jirto iyad oo lagu jiro xilli doorasho, waana la tartamayaa,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Muuse Biixi Cabdi,ayaa noqon kara mid saamayn siyaasadeed oo hor leh ka dhex abuura Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo maanta la kowsaday tan iyo markii shirweynuhu dhammaaday 29-kii bishii April, khilaaf hor leh oo ka dillaacay xulidda Guddiga fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe oo ay ku dhawaaqeen Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad ee Kulmiye, kuwaas oo hoggaanka Kulmiye ku eedeeyey inay Xisbiga ka galeen dambi culus oo meel-ka-dhac ku ah Qawaaniinta Xisbiga.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories