HomeMuuse Biixi Muxuu ka Yidhi Eedaha ay soo Jeediyeen Wasiiradii Iscasilay?

Muuse Biixi Muxuu ka Yidhi Eedaha ay soo Jeediyeen Wasiiradii Iscasilay?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo xubno kale ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga, waxaanu ku dooday in xisbiga Kulmiye si rasmi ah loogu tartami doono marka shirka golaha dhexe la gaadho.

 

Mudane Muuse Biixi, wuxuu meesha ka saaray eeda wasiirada Iscasilay u jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo ee ah inuu Muuse la saftay, waxaanu sheegay inaan faq iyo fagaare lagaga maqal madaxweynaha oo taageeraya Muuse.

 

“Qodobka ah Xisbiga cid baa loo xidhay. Horta golihii la isku dooranayay lama tagin. Meel madaxweynuhu ka yidhi cid baan taageerayaa oo cid gaar ah ayaan wataana fagaare iyo faq midna kumaynaan maqal. Anigana wuxuu dhegta ii saaray iyo wuxuu ii sheegay midna ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu ku ducaysto in madaxweynuhu mar uun taageero “ Horta waaba Illaahay mahaddii mar haddii maanta ragga qaar leeyihiin madaxweynaha ayaa adigu(Muuse) wata. Shan sanno ayaanu halkan fadhinayoo anagu qoladii la tuurtuurayay ayaanu ahayn. Markaa hadday iyagu xaggan noogu soo riixan waa Illaahay mahaddii. Illaahay ha ka dhabeeyo oo waanu ku ducaysanaynaa inuu madaxweynuhu na taageero haddaanu helayno. Duco ayaanu ba fooxa intaa ugu ridnaa haddaanu helayno laakiin, wax alle wax na soo gaadhay oo dareen ahi ma jiro,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Marka loo fiirsado wasiiradii shalay is casilay waxay yidhaahdeen qaarkood, “madaxweynuhu cid buu taageerayaa”. Dadka waxaanu u sheegaynaa inaanan arrintaas hayn. Iyaga markii la sii waydiiyay waxay yidhaahdeen nagumuu odhane xan baanu ku maqalay, dee xanna la iskuma eedeeyo.”

Guddoomiye Muuse Biixi, wuxuu sheegay in uu ogol yahay in lala tartamo “ Xisbigani waa dimuqraadi, waa lagu tartamayaa, in la igula tartamo ayaan ogolahay, horaa la iigula tartami jiray, waa la iga adkaan jiray, mar waan ku guulaysan jiray. Wax ceeb ah ma laha fagaaraha tartanku, qolkan ayuu ahaa kii aan ka lahaa waa la iga adkaaday ee inta xisbiga oo dhammi iga soo horjeestay aan aayar isku dhiibay. Sharaf mooyee xummaanna kama qaadin. Maaha in col hortii la is eedeeyo, tartanku waa furan yahay saaxiibaday waan soo dhawaynaynaa, xisbiga waa lagu tartamayaa waa u furan yahay, si hufan oo saxaafaddu markhaati ka noqoto oo cid walba oo la doonayaa markhaati ka noqoto ayaanu diyaar u nahay, tartankana xukumad ahaan iyo xisbi ahaan nin walba wuu helayaaye yaynaan waxaan jirin ku kala yaacin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse.

 

 

Guddoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Eedaha madaxweynaha loo jeediyay, horta madaxweyne kasta oo tagaya ama hawl gabaya, inkastoonu madaxweynuhu wali odhan waan hka fadhiistay oo anigu musharax ma ihi oo imika musharaxiinta uun ka mid yahay, haddana sida rayi caamku u badinayo hadduu yidhaa waan ka fadhiistayba, madaxweynuhu waana oday, xaqna wuu u leeyahay inuu ciduu doono fartiisa u taago. Madaxweynuhu dambi kuma gali karo hadduu yidhaa qof baan u codaynayaa. Qof waliba qof buu u codaynayaa, madaxweynuhuna laba farood ma leh ee taa qof walba oo golaha dhexe leeyahay ayuun buu xaq u leeyahay,” ayuu yidhi

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories