Home“Muuse Biixi in Guddoomiye-nimada loo daayaa talo KULMIYE may ahayn, Guddi uu...

“Muuse Biixi in Guddoomiye-nimada loo daayaa talo KULMIYE may ahayn, Guddi uu Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtidu) hoggaaminayaa baa ka talisay oo Guddi reer ah.”

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

London (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inuu Axmed-Siilaanyo gaashaankiisa iyo warankiisa ahaa kala badh cimrigiisa, isla markaana uu si fiican u yaqaanno, balse uu ka sii tabaabushaystay intii aanu hoggaaminta dalka ku guulaysan.

cali-guray“Aniga oo qofkii labaad ee KULMIYE noqda ah kamaan tageen, oo 25 sannadood Axmed-Siilaanyo Garab iyo Gaashaan u ahaa. Axmed-Siilaanyo hadduu Waran uu wax ku dilo lahaa aniguu ahaa, nin SNM ah oo igu qabsan karaana ma jiro. Hadduu Gaashaan uu Warmaha isaga dhigo lahaana, anigaa u ahaa. Kamaan tageen 25 sannadood oo Cimrigayga kala badhkii ah anigoo Gaashaan u ahaa kamaan dhaqaaqeen hadh cad, haddaanan sii qiyaasin marka uu KULMIYE talada qabto sida uu noqonayo.”

Guddoomiye ku-xigeenka Sadeexaad ee UCID, waxa uu isdaas ka sheegay munaasibad taageerayaasha Xisbigu magaalada London ugu qabteen masuuliyiin uu isagu ka mid yahay.

“Maanta inuu UDUB inna xukumo iyo inay KULMIYE yihiin kuwa inna Xukumaa, Cali Waran-cadde ayaa Wasiirka noqon, iyo Cali Xoor-xoor baa Dekedda qaban reer KULMIYOOW waynu is-ognahayoo waxaad ku riyoonayseen maaha. Laakiin, waa nasiib-darro idinku dhacday,” ayuu yidhi Cali-Guray, oo sheegay inay Xisbiyahannadii reer KULMIYE ku hungoobeen hoggaaminta Siilaanyo. Waxaanu sheegay in muddadii uu London joogay arkay Rag badan oo Aqoonyahan ah oo Reer Ingiriis ah oo Raggii Xisbiga KULMIYE dhisay, guushiisana gacanta wayn ka geystay, isla markaana is-beddelka dhabta ah doonayey dibedda la dhigay oo aanay hadli karin, tilmaamina karin waxa qalloocan iyagoo arkaya, taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u tahay Koox uu sheegay inay talada isku koobeen oo ay isku xidhan yihiin.

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu sheegay inaanay Guddoomiye-nimada KULMIYE ee Muuse Biixi Cabdi loo daayo aanay ahayn talo KULMIYE, waxaanu yidhi; “Muuse Biixi in Guddoomiye-nimada loo daayaa talo KULMIYE may ahayn, Guddi uu Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtidu) hoggaaminayaa baa ka talisay oo Guddi reer ah. Maanta Muuse Biixi waxa la leeyahay maxaad haysaa KULMIYE xoog iyo xininyaba dhigtaye? Guddoomiyahaa la iga dhigay kuma filna reerka. Xaggana qoladii kale Odaygii waa diyaar oo garan waa laba goor baa lagu qaadaye bal doorkan Muuse u daa.”

Cali Guray waxa uu sheegay haddii KULMIYE ku ololayn jiray is-beddel baa loo baahan yahay, inaanay UCID doorashada soo socota taas ku ololayn doonin, isla markaana aanu maanta dalku is-beddel u baahnayn, hase-yeeshee loo baahan yahay in dalka iyo dadka la badbaadiyo oo laga badbaadiyo gud ay ku ridayaan sida uu sheegay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbigeeda KULMIYE.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories