HomeMuuqaalo la saadaaliyay in Qadaafi wejigiisa u beddeli doono si uu Caddaaladda...

Muuqaalo la saadaaliyay in Qadaafi wejigiisa u beddeli doono si uu Caddaaladda uga baxsado

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Weji Qaddaafi

Qaahir (SLpost) – Mar kasta oo hogaamiye muddo dheer dalkiisa xukumayay isla markaana ku amar ku taaglayn jiray shacbigiisa laga itaal roonaado ee uu dibad wareeg noqdo, ayaa waxa dhacda inuu gaboodsado ama isticmaalo hab uu doonayo inuu kaga dhuunto ama kaga baxsado in la qabto oo caddaaladda la hor keeno.

blank
Weji Qaddaafi

Xaaladahani waa mid aadamiga ku abuuran, mana dhacdo inta badan in hogaamiye kali talisnimo iyo arxan daro isticmaalayay muddo dheer uu si bilaa dhibaato ah isku dhiibo oo uu dalbado in la caddaaladd mariyo. Sababo badan ayaana ugu wacan inuu taa sameeyo, kuwaas oo ay ka mid tahay isagoo cabsi ka qaba in danbiyadii uu galay la mariyo xukunkiisuna ku dhamaado deldelaad ama xadhig dheer oo inta noloshiisa ka hadhay uu ku dhamaysto xabsiga. Waxa kale oo baxsiga iyo khiyaamaynta dunida ee hogaamiyayaashaasi ku kacaan ugu wacan, lacagaha badan ee ay ka khiyaameeyaan dalkooda iyo shacbigooda wakhtiga ay xukunka hayaan.

blank
Weji 2 Qaddafi

Haddaba waxa shalay warbaahinta dunidda qaar ka mid ahii baahiyeen, sawiro laga yaabo inuu muqaal ahaan isku badalo hogaamiyihii hore ee dalka Libya si uu dalka uga baxo ka dibna uu inta wakhtigiisa ka hadhay ugu noolaado bilaa maxkamad iyo xadhig. Muuqaalada la soo bandhigay waxa ka mid ah, sawir aad ugu eg jilayaasha filimada ee Hollywood gaar ahaan jilaaga Tom Cruse oo kale, sawirkani wuxuu tilmaamaya Qadaafi oo timaha la baxay, gadh isku joogana leh, kuwaas oo dul iyo hoosba laga madoobeeyay, waxa sawirkan soo bandhigay, mid ka mid ah dadka qurxinta iyo labiska madaxda xeel dheere sare ku noqday oo u dhashay dalka Barasiil, ninkan qurxiyaha ah ayaa sheegay in Qadaafi jeclaystay sawir qaabkaas u eg wakhti ay kulmeena waydiiyay in qaabkaas oo kale uu noqon karo. Waxa kale oo sawirada la soo bandhigay ka mid ah, sawir hablaha dharka xayaysiiya u eg iyo muuqaal uu Qadaafi noqon karo haddii uu iska dhigo, kaas oo ah oday u labisan sida dadka Dawaariqa loo yaqaan ee saxaraha afrikada galbeed ku nool. Sababaha loo saadaaliyay sawiradan ayaa ah in laga sii hor dego qaab kasta oo Qadaafi dunida ku khiyaamayn karo.

blank
Qaddafi Dhukuran

Hogaamiyihii hore ee dalka Libya ayaa ku jira dhuumasho, waxaana beegsanaya oo baadi goobkiisa ku jira dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kuwo neceb, kuwo lacag ku doonaya oo baadi goobkiisu dhinacyo kala duwan dan uga yahay. Waxa kale oo miiska saaran Hal Milyan iyo lix boqol oo kun oo abaal marin loo siinayo qofkii nolol ama dhimasho mid uun ku qabta Qadaafi. Sida dadka arrimaha madaxda firdhadka ah ka faaloodaa sheegayaana dadka ugu badan ee beegsanaya kuna jira raad goobka Qadaafi ayaa ah dadka saxaraha ku nool ee Barbariyiinta oo uu wakhtigan ku sugan yahay dhulkooda, dadkan ayaa sababo dhaqaale iyo cadaawad ay u qabaan leh u beegsanaya Qadaafi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories