HomeMuuqaalka miisaanka awoodeed ee mas’uuliyiinta gobolka Gabiley - W/Q: Sacad M. Gadhle

Muuqaalka miisaanka awoodeed ee mas’uuliyiinta gobolka Gabiley – W/Q: Sacad M. Gadhle

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Siciid Qodaal-Joog

Waa maalin Sabti ah. Goor sheegtu waxay tilmaamaysaa sagaalkii subaxnimo. Waxaan ku suganahay barxadda hore ee Dawlada hoose ee magaalada Gabiley,  waxaan diyaar u nahay  in aan ka qayb galno xaflad lagu qabanayo hoolka shirarka golaha deegaanka gabiley waxaanu nahay dhawr qof oo rayida iyo aniga oo ka mida bahda saxaafada  waxaanu mar kaliya wada daymoonay oday si wayn uga muuqato astaamihii lagu yaqaanay culimada soomaaliyeed  waxaa indhahayaga soo jiitay kitaabka marada maxamuudiga ahi ku shaqlantahay rixligii tusbaxii madoobaha la odhan jiray oo qoorta u sudhan waji furan oo sujuudu iftiimayso waxuu nagu salaamay salaanta islaamka anaguna  waanu u celinay waxuu na waydiiyay ma raga meeshan xukumaad tihiin waxaan ugu jawaabnay  mayee sheikh ma nihin  mar labaad ayuu na waydiiyay ma taqaanaan afarta arimood ee maamulka wadkiisa ah . mayee sheekh garan maynee noo sheeg ayaanu nidhi waa afartaa arimoode ka fogaada

1.Qabiil Waa Magacoo Maamulkuu Dumiyaaye Maskaxdiina Ka Saara,.

2.Musuqoo La Wadaagaa Maamulkuu La Dagaaye  Midigtiina U Diida..

3.Laaluushkood Shaqo Moodo Maamulku Wuu Ku Mamaaye Manfaciisa Ha Doonin..

4.Sharcigoo La Mulaaqaa  Cadaaladuu Murgiyaaye Haba Moodin Nasteexo

Mar kale ayuu sheekhii na waydiiyay ma taqaanaan labada arimood ee maamulka dawliga ahi ku margado .sheekh garan maynee noo sheeg ayaan ugu jawaabnay waan idin sheegiye ka fogaada ayuu noogu jawaabay isagoo sheekhu labadii arimood ku sheegay

1.Mas’uul Xilka Uun Ku Mabsuuduu Awoodiisu U Muuqan Maamulku Wuu Ku Margadaa

2.Mas’uul Aan U Shaqaynin Dadkiisa  Mushaharkoodana Quuta Maamulku Wuu Ku Margadaa.

Markuu xikmadaa noo sheegay intuu salaantii islaamka nagu sii salaamay ayuu naga dhaqaaqay iswadiinay sheekhii garana waynay  waxaan isla qaadanay aniga iyo afartii dhalinyarada in uu ahaa wali na soo  booqday  iyadoo magaalada gabiley caan ku ahaan jirtay culimo badan xadrooyinka cilmiga diinta lagu akhriyo maalintaas dabadeed waxaa igu dhalatay in aan ku qiimeeyo  xikmadaa sheekha aan ka korodhsanay oo aan muuqaalka mas’uuliyiinta maamula guud ahaan gobolka gabiley madax meel ka saraysoo lataabtaa ma jirtee  mas’uuliyiinta gobolka gabiley ee uu hogaamiyo badhasaabku  ayaan miisaanka saaray waxaa lgu sifayn karaa maamul lagu margaday  anigoo ku qiimaynaya hab dhaqankooda iyo awooda sharciyeed ee xeerku siiyay   iyagoon uwar haynba (waxaan ku qiimayn karnaa xikmada sheekha ee odhanaysa mas’uuliyiin xilka uun ku mabsuudoo awoodoodu u muuqan) mar kale waxaa xusid mudan dhamaan wasaaradaha ka hawl gala gobolka gabiley ayaa lagu tilmaami karaa kuwo fadhiid ah oo shaqsiyaad mulkiyeen kadib markii isu duwayaasha wasaaraduhu qaarkood intii dalka la soo galayba  ay maamulkooda gacanta ugu jiraan shaqsi kaliya  waa wassarada bee rahee halka laamaha wasaaradaha qaarkood  ay guruubyo u heshiiyeen iyadoo mas’uulkii ugu sareeyayna ka door biday dhakhtarkiisa gaark ah uleeyahay waa wasaarada caafimaadkee wasaarada kaliya ee adeeg toosa u fulisa dadwaynuhu ay ka tahay wasaarada waxbarashada  waxaan ku qiimaynkarnaa laamaha wasaaradaha eek u sugan gobolka gabiley xikmada  sheekha ee odhanaysa (mas’uuliyiin aan u shaqaynin dalkooda mushaharkoodana quuta) mar kale  ayaan qiimeeyay maamulka dawlada hoose ee ay hogaanka u hayaan golaha deegaanka dagmada gabiley mudada ay hogaanka hayeena tahay toban sano waxaa ku gadaaman oo isku xeeray afarta maamulka wadkiisa ah malagan maamulka ayaa la odhan karaa  waxuu deegaan ku yahay ama uu dagan yahay  xarunta dawlada hoose mas’uul kastaana markuu xilka la wareego ayuu wadkaasi la kulmaa  oo sharaf dhac karaamo dhac kala taga waxaan ku qiimayn karnaa  xikmadaa sheekhu nagu soo kordhiyay (qabiil waa magacoo maamulkuu dumiyaaye maskaxdiina ka saara) musuqoo la wadaagaa maamulkuu la dagaaye midigtiina ka dhawrta .laaluushkood shaqo moodo maamulku wuu ku mamaaye manaafacaadkiisa ha doonin. Sharcigoo la mulaaqo cadaaladuu  murgiyaaye haba moodin nasteexo.

Ugu danbayn miisaanka awoodeed is bar-bar dhigii aan ku sameeyay dhamaan mas’uuliyiinta gobolka gabiley anigoo qiimeeyay awooda siyaasadeed,dhaqaale,tix galinta maamulka hoos yimaada iyo cadadka shaqaalaha uu xukumo waxaa ii soo baxday badhasaabka gobolka gabiley in la bar-bar dhigi karo gudoomiyaha dagmada tog wajaale halka badhasaab ku xigeenka la bar-bar dhigi karo gudoomiyaha dagmada alay-baday xog hayaha gobolka gabileyna la bar-bar dhigi karo agaasime waaxeedyada dawlada hoose ee degmada gabiley  iyadoo xurmayn la’aanta sharciga iyo kaladambayta iyo macaamilka  xeer jajabku ka dhigay maah maahda odhanaysa (food saar daba saar loo celi )mar kale waxaan xasuusin lahaa maamulka gobolka gabiley maah maahda odhanaysa nin aan hadlin  hooyadii qadisay mas’uuliyiinta awoodu gacantooda ku ururtayna waxaa kaalinta koowaad haysta maayarka dagmada gabiley halka maamulka kastamka kala-baydh ay kaalinta labaad ku jiraan kaalinta sadexaadna ay ku jiro xoghayaha dawlada hoose ee gabiley halka ay kaalinta afraadna maamulaha bangigu ku loolamayo kaalinta shanaadna ay ku jiraan xisaabiyaha gobolka  halka kaalinta lixaadna ay ku jiraan mudanayaasha golaha deegaanka qaarkood oo ah laba iyo tobankii maayarka cusub caleemo saaray halka kaalinta todobaadna uu xisaabiyaha dagmada gabiley oo ah mas’uulka ay soo maraan foojaradu uu ku loolamayo.waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan miyaan la gaadhin waqtigii la karaamayn lahaa maamulka gobolkii kontonka sanadood loo ordayay

Suxifi  sacad maxamuud gadhle

Gabiley, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories