HomeMusuq-Maasuqa Waxa Ka Mid Ah Hawl-Yaraanta Aynu Qof  Ugu Sheegno Darajo  Waxbarasho...

Musuq-Maasuqa Waxa Ka Mid Ah Hawl-Yaraanta Aynu Qof  Ugu Sheegno Darajo  Waxbarasho Oo Aanu Wali Gaadhin; Haatuf Staff Writer

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Ninkii Ajanabiga Ahaa Ee Ay Prof. Cabdul Salaam Yaasiin Oo Qori Sita Ku Kulmeen Buuralayda Sheekh Dagaalkii 1984-Kii Markii La Sii Daayey Muxuu Caalamka Ugu Waramay?

Musuq-maasuqu kuma koobna oo kaliya lacag qalin lagu xaday oo kaliya ama maamul ay wax is-daba marintu ku badan tahay.musuq-maasuqa waxaynu ka gaadhnay heer naxdin leh oo lagu tilmaami karo aafo-qaran, iyadoo uu nolasheenii oo dhan wada-saameeyey.

Wuxuu inala galay diintii, waxbarashadii, cadaaladii , ganacsigii, siyaasadii , doorashooyinkii iyo guud ahaan hawlihii ay dawladi-qaban jirtay oo dhan.

Musuq-maasuqa waxa ka mid ah hawl-yaraanta aynu qof ugu sheegno darajo waxbarasho oo aanu wali gaadhin, ama aynu ugu yeedhno magaca mihnad aanu cilmigeeda lahayn. Habdhaqankani waxa uu ka mid yahay kuwa aanay bulshadda reer Somaliland hore u lahaan jirin, balse ay u keeneen dadkii reer waqooyiga lahaa ee Somalia ku noolaan jiray, gaar ahaan magaaladda Xamar, halkaas oo ay tageen  markii 1960-kii ay Somaliland iyo Somalia dawlad-nimada isku darsadeen.

Dadkaasi oo markii hore iskugu jiray shaqaale dawladeed iyo ciidamo ayaa waxa markii danbe ka daba-tagay dad faro-badan oo ka tirsanaa qaybihii kale ee bulshaddii reer waqooyi. Hadaba markii Somaliland lagu soo noqday ee laysugu wada-yimid ayaa intii Xamar ku noolaan jirtay waxay bulshaddii ku talaaleen naanaysihii iyo erayadii markii Xamar ay joogeen sida sahlan qofka loogu sheegi jiray darajo waxbarasho oo aanu wali cilmigeedii gaadhin sida Doctor iyo Professor.

Waxa kale oo ka mid ah qofka oo loogu yeedho xil (title) aanu haynin ama ka darajo sareeya kii dhabta ahaa ee uu ku magacawnaa, oo askariga Isbatooraha ah ayeynu Jeneraal ugu yeedhnaa ama qof loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka Somaliland u fadhiya dal Muca’yin ah ayaa waxaynu ku tilmaamnaa ‘safiir’, xafiiskii Somaliland ku lahayd dalkaasina waxaynu ku sheegnaa ‘safaarad’ taas oo ka baxsan curfiga diblomaasiyadda isla markaana ay dhibsan karto dawladdii martida loo ahaa.

Waxa inagu batay isticmaalka erayada Professor, Engineer  iyo Ambassador  kuwaas oo ay warbaahintuna waliba u qorto si aan af-ingiriisi iyo af-soomaali midkoodna ahayn. Waxa bug iyo badhayse noqday oo aynu iskugu yeedhnaa Ditoore, Xildhibaan, Aqoonyahan, Waxgarad, Wariye, Suldaan, Boqor, Ugaas, Garaad, Buur-madow, Bad-madow, Garyaqaan, Siyaasi, Guddoomiye iyo qaar kale oo badan.

Shaki kuma jiro in asbaabaha ay tacliinteenii la fasaqantay ay ka mid tahay habdhaqankan aynu qofka ku miisayno cilmi aanu darajadiisa wali gaadhin ama mihnad aanu lahaynba xirfadeedii aqooneed, iyadoo aynu wastaadka ku sheegno Engineer, afmiishaarkana siyaasi ama suldaan.

Markay jiraan mushkiladahaas xajmiga wayni sideebuu noqonayaa hamiga iyo higsiga waxbarasho ee uu yeelan doono ilmaha kusoo dhex-koray bi’adda caynkaas ah ee shahaadooyinka iyo xilalka faalsada ah qoorta laysu sudhayo?. Saw maskaxdiisa gali-mayso in sida cilmiga iyo aqoontaba heer sare looga gaadhaa ay biyaha ka fududahay ooy ku xidhan tahay uun woxogaa waxbarasho ah oo dhawr sanadood lagaga taw-taw siiyo.

Cilmi sheegashada ismoodsiiska ah ee ka dhalatay dhaqan-xumadani waa ta Jaamacadda Hargeysa ka dhigtay meel Jahligu aqoontii shiikhiyo ee sababtay inay jaamacadaasi iskaga tagaan Prof. Cabdul-Salaam Yaasiin oo shahaadadaPhd ku haysta suugaanta Ingiriiska (English Literature) iyo cilmiga luuqadahaLinguistics iyo Cabdi Xuseen Gaas oo Maraykanka kaga soo takhasuusay maamulka jaamacadaha.

Sanadkii 2004-tii xili uu dalka yimid professor Maraykan ah oo cilmiga siyaasada iyo xidhiidhka caalamigaaPolitical Science & International Relations ka dhiga jaamacad ku taala magaaladda  Chicago ayaa dawlad aynu jaar nahay waxay dad markaa Hargeysa ku sugnaa soo waydiisay  waxa uu professor-ka Maraykanka ahi ka qabanayo Somaliland. Hada ogow  waxa jiray dad Maraykan ah oo hore Somaliland u iman jiray oo aanay dawladaas aynu jaarka nahay dan iyo muraad toona ka gali jirin waxay u socdaan iyo halkay ka socdaanba. Tani waxay ina tusaysaa qiimaha iyo ahmiyada wayn ee ay darajada professor-nimadu dunida ugu fadhido, INAGUNA waxaynu ku sheegnaa mid aanad ku aaminteen inuu dugsi hoose wax u dhigo. Somaliland gudaheeda bare-yaasha gaadha heer professor-nimo malaha Cabdul-Salaam Yaasiin waxa taraxa mid iyo laba kama badna. Isagu waliba waxa uu kaga soo shaqeeyey Jaamacadda Boqor Sucuud ee magaaladda Riyaad. Waliba waxa taas u dheer aqoon waasac ah oo uu diinteena suuban u leeyahay  iyo bisayl iyo waliba waayo-aragnimo shilis oo uu ka dhaxlay halgankii hubaysnaa ee SNM oo uu ka mid ahaa kuwii curiyey ee London kaga dhawaaqay April 6, 1981-kii.

Sanadkii 1984-kii hawlgalkii SNM ee la magac-baxay dagaalkii buuraha ayaa ciidamadii Ibraahim Dhago-wayne watay ee Cabdul-Salaam Yaasiina ka mid ahaa waxay meel buurta Sheekh ku dhaw ku qabteen nin Nayjeeriyaan ah oo qiyaastii ka shaqayn-jiray saldhigii Maraykanku xiligaasi ku lahaa magaaladda Berbera. ninkaasi Nayjeeriyaanka ah oo ahaa qof mutacalin ah ayaa markii uu la kulmay Cabdul-Salaam oo qori sita isla markaana uu ogaaday in waxbarashadiisu gaadhsiisan tahay Phd waxa uu fahmay oo uu markii lasoo daayey  aduunka ugu waramay in kacdoonka SNM sidii dawladii Siyaad Barre ku sheegi jirtay aanu ahayn mid ay wadaan afar injiraystay oo geel-jire ah, balse ay qaybaha bulshadu u wada dhanyihiin oo uu waliba guulaysan doono. Kuwii shalay markay dirirtu jirtay ka baqday inay dadkoodii dulmanaa u hiilayaan ee la saftay talistii Siyaad Barre iyo kuwii markii uu gudoonkii guda-galkii May dhacay (1988-kii) cariga Ingiriiska u cararay ayaa maanta iyagoo Wasiiro, Taliyeyaal iyo Madaxwayne ka ah dalkii ay SNM xoraysay looga taaglaayahay maatida iyo maxasta oo ay kolba u adeegsayaan askar ku hubaysan qoryihii ay mujaahidiintii SNM  iskood iskaga dhigeen???.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories