HomeMuslimiinta Waddanka Shiinaha oo loo diiday Gudashada Waajibaadka Soonka Bisha Ramadaan

Muslimiinta Waddanka Shiinaha oo loo diiday Gudashada Waajibaadka Soonka Bisha Ramadaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

China (SLpost)- Dawladda Shiinaha, ayaa qoomiyadaha muslimiinta ah ee ku nool dalweynaha shiinaha, gaar ahaan qoomiyadda Uyghur oo ku nool Gobolka Xinjiang, ka horjoogsatay inay gutaan waajibka soonka ah ee Ilaahay (SWT) ku waajibiyey.

Qoomiyadda muslimka ah ee Uyghur oo tiradooda lagu qiyaaso ilaa 8.68 milyan oo qof, kuna nool gobol ku yaal xadka dalka Shiinuhu la leeyahy waddamada Mangolia, Russia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, Afghanistan, Pakistan iyo Hindiya, kaas oo ah gobolka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu tiradan badan dalka Shiinaha oo guud ahaan lagu qiyaaso ilaa 12 milyan oo qof.

UyghurSida lagu baahiyey wakaaladaha caalamiga ah ee wararka oo, amar ka soo baxay dawladda Shiinaha, ayaa lagu sheegay in aan laga soomi karin degaanka muslimiintu ku nool yihiin, iyadoo lagu amray ardayda, shaqaalaha dawladda iyo macalimiinta aanay cuntada ka soomi karin, waxaana hudheelada ku yaal degaanka la faray inay shaqeeyaan, cuntooyinka kala duwana sameeyaan, isla markaana cid sooman aan laga arki karin, waxaanna la amray in xoog cuntada lagu siiyo qof kasta oo la arko inuu sooman yahay.

“Goobaha cuntada lagu kariyo si caadi ah ayey u shaqayn karaan saacadaha maalintii xilliyada lagu jiro bisha ramadaan, cid soomana lama arki karo.” Sidaa waxa lagu yidho ogaysiis ka soo baxay Komishanka maamulka cuntooyinka iyo dawooyinka ee Gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha ah oo ah degaanka muslimiinta ugu badan ku nool yihiin.

Waxa kaloo qoomiyaha muslimiinta lagu amray in aan laga dareemi karin wax muujinaya astaamo diineed, sida xijaabka lagu faral yeelay dumarka, gadhka raggu la baxo iyo afcaasha kale ee la xidhiidha cibaaddada Ilaahay loo sameeyo, iyadoo dadka muslimiinta ah ee Shiinuhu dhibaato ku qabaan sidii ay si xor ah ugu gudan lahaayeen cibaadada Ilaahay oo soonku ka mid yahay.

Gobolka XianjingDad badan oo muslimiin ah ayaa ka baxay dalka Shiinaha si ay si xor ah ugu cibaadaystaan Ilaahay, halka sidoo kale ay jirto jabhad hubaysan oo dagaal ugu jirta sidii ay gobolka muslimiintu ku nool yihiin uga madaxbannaanayn lahaayeen dalka Shiinaha.

“Ujeedada ugu weyn ee Shiinuhu ka leeyahay inuu joojiyo soonku waa inay qoomiyaha musliminta ah ee dalkiisa ka fogeeyaan dhaqanka iyo cibaadada wanaagsan ee bisha Ramadaan, laakiin siyaasadaha guracan ee noocaas ah waxa qudha oo ay sii xoojin karaan khilaafka iyo dhiig badan ku daato Shiinaha.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Golaha Qoomiyada Uyghur oo ay ku midaysan yihiin aqoonyahan mustaafuris kaga maqan dalka Shiinaha.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories