HomeMushkiladda Xuduudaha Afrika waa Caqabad Gumeystuhu ugu talagalay Shucuubta Qaaradda - By...

Mushkiladda Xuduudaha Afrika waa Caqabad Gumeystuhu ugu talagalay Shucuubta Qaaradda – By Xildhibaan Maxamed Cali (Khamriile)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Xildhibaan Khamriile

Shirkii dawladaha reer yurub ee qaybsigii qaaradda Afrika sanadkii 1884kiimagaaladda Berlin ee dalkaasi Germany, ujeedooyinka shirkaasi laga lahaa waxay ahayd   saddex arrimood:

  1. Dhinnaca Strategy-yada Milateri in looga faa’iidaysto
  2. In Khayraadka dihin ee Qaaradda la hantiyo
  3. In Diinta ,Dhaqanka iyo Hiddaha shucuubta Afrika lagu bedelo Diinta Kiristaanka, Hiddaha iyo Dhaqanka Yurub lagu faafifyo Guud ahaan Qaaradda Afrika

Ku talo-galka Qorshaha Foq ee Shirkanu wuxuu ahaa Boqol sanno ka dib in uu hirgelo ,Afrikana xoriyadooda hesho waqtigaasi( 1884-1984) eek u talo galkood ahaa balse ,waxaa dhacay dhaqdhaqaaq gobanimo doon oo ay bilaabeen halyeeyo Afrikaan ah , dhamaadkii dagaalkii kowaad ee adduunka horseedna ay u ahaayeen Sayid Maxamed Cabdille Xasan,Sheekh Bashiir, Al-Mahdi(Sudan) , Mukhtar (Aljeeriya) . nasiib darro dhaqdhaqaaqan laguma guulaysan hasayeeshe wuxuu marlabaad dib u cusboonaaday dagaalkii labaad ee adduunka dhamaadkiisi 1954aadkii ,waxaana horseed u ahaa aqoonyahano dhalinyaro ah oo ay ka mid ahaayeen Kwama Nkruma, Patrick Lamuube, Jealas Nerere ,Kanis-Kuwunda, Jamal Cabdi Nasir, Daud-Jawari,Sheekhu-Shajaar, Xabiib-Raqiiba, Xayle Silaase, Leoprad Sengor, Axmed Banbeela, Cabdilaahi ciise , Abii bokor Tafaawe balaawa, Nelson Mandela, Axmedu-ahejo, Milton abote, Jomo Kenyatta ,Axmed Sakatotuure, Boqor Xasan. Hogaamiyayaashan Afrika waxay badankoodu ka faa’iidaysteen Loolankii quwadahii waaweynaa ee Yurub(Warsaw-Nato) waxayna gacan buuxda ka heleen dowladihii Yurubta bari ee Warsaw oo shuuci ahaa, talaabadana waxay sababtay in uu beenoobo Qorshihii Nato ee ahaa in Afrika Xoriyadda hesho sanadka 1984ka.

Sanadkii 1960 oo loo yaqaan sanadkii Afrika ee inta badan dowladaha Afrika Gobanimadooda heleen , Hasayeeshe xoriyadii AFrika laguma nasan waxaana dowladihii Afrika ka hor yimid Carqlado iyo mushkilado baaxad wayn kana mid yihiin 1. Mushkiladaha Xuduudaha, balse nasiib wanaag waxa Qodobka lagu soo afjaray Shirkii Aasaaska Midowga Afrika “OUA” ee sanadkii 1963, oo lagu heshiiyay Qodoka (111) ee charterkii OAU-da in xuduudaha Afrika loo aqoonsado sidii dowladii Qumaystuhu  kaga tageen, inkastoo aanay dowladii Somaliya aanay saxeexin waa sharci hir gelay.

Hadii aynu soo qaadano Geeska Afrika Su’aalaha xuduudaha Somaliland xuduudaheeda dhinaca( Somaliland ama British Somaliland-Italian Somaliland) waxa la jeexay lana kala saxeexday 1887kii, labadii dowladood ee Ingiriiska iyo Talyaaniga sido kale Somaliland xuduudaha Djibouti way sugan yihiin ,dhinaca Ethiopia , Somaliland waxa la jeexay 1954kii. Hasayeeshe dhulkii la odhan jiray ( Italian Somaliland) iyo Ethiopia waxay ku heshiiyeen labadii dal ee Talyaaniga iyo Ethiopia, Boqor xayle silaase heshiis qoran oo tilmaamaya 800km laga soo gaato cabirka Banaadir ,Dhinaca Koonfur Jihada uu ujeedo ayuu xadku yahay. Tusaale Feerfeer ayaa cabirka heshiiska ku qotanta. Waxaa jira meelo aan jeexnayn ama aan calaamadsanayn Khilaafka xuduudaha Afrika ma badna marka laga reebo meelo aan calaamad-sanayn (Ethiopia – Eriteria) , (Djibouti- Eriteria) , (Waqooyiga Sudan-Koonfurta Sudan).

Gebgebo, dowladaha Afrika waxaa ku waajib ah in ay qiimayn ku sameeyaan xoriyadii afrika waxay u tartay ,waxa khaldamay iyo mustaqbalka wixii lagaga gudbi lahaa. Dib u dhacan marka laga reebo South Afrika oo qaatay xoriyadiisa sanadkii 1994kii ahna dalka kaliya ee xoriyadiisa qaatay sanadkii ay Quumaystuhu ugu talogalay, inta kale waxay dhaxleen inqilaabo milateri, dagaalo sokeeyo, qaxooti, cuduro, gaajo, barokac, dayn faro badan.

Xildhibaan Maxamed Cali Axmed(Khamriile)

Tel: 4112263

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories