HomeMusharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen oo eedayn u...

Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga UCID Jamal Cali Xuseen oo eedayn u soo jeediyey Xisbiga kulmiye Shirkiisii iyo Lacagta ku Baxday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost) Musharaxa Madaxwayne ee  xisbiga Ucid ayaa waxa uu ku tilmamay shirwaynahi XISBIGA KULMIYE  in LACAG KA BADAN 800,000 (SIDEED BOQOL OO KUN OO DOOLAR) OO HANTIDDII UMMADDA AH AYEEY KU BURBURIYEEN SHIRWEYNAHOODA.” isaga oo ku bilaabay hadalkiisa sii ku bilaabay Dalku Wuu biyo laayahay, lacagtaasi waxay ku habooneyd in mashiino loogu iibiyo cusbitaaladda dalka ama laguba daro waddada Ceerigaabo ee qaadhaanka loo waddo.

images (2)

Intaanan sheegin sidaan ku keenay lacagta ku baxday shirka, waxaa isku kay qaban waayey markii horeba baaxadda shirka iyo qadarka lacagta aan xisaabiyey ee shirweynaha Kulmiye ku bixi karta. Waxaan is weydiiyey halka ay ka timid lacagta ku baxday shirweynaha 3aad ee Kulmiye. Taa Jawaabteeddii deg-deg baan ku helay oo waa hantiddii Qaranka iyo canshuurtii la wadda lahaa ee laga soo ururiyey islaanta Tamaandhadda ku iibinaysa suuqa dhexdiisa, iyo canshuurta laga qaadayo ninka danyarta ah ee u kalaha caruurtiisa. Waxaan xasuustay in xataa ardaydii la yidhi nusasaacahiina ku dara wadadda Ceerigaabo. Waxaan yiqiinsaday in falka uu ku kacay xisbigga Kulmiye ee talladda hayaa ay tahay mid ka soo hor-jeedda habraaca, iyo dhaqanka wanaagsan ee dawladnimo. Mid ah xatooyo xoollo dadweyne, mid tilmaamaya in aanay meelnaba kaga jirin sharciga iyo xisbi ahaan ay ku takri falaan xoolaha ummadda, oo ay weliba ku sii jees-jeesaan.

Beesha caalamka ee caawimadda ina siisaa waxay daawanaysaa xoolaha ummadda ee lagu burburinaayo shirkaasi. Miyeey inaga go’adaa? Ma awoodi karnaa? Ma xaqbaa? Maanta ceeb bay ku tahay Somaliland in Shirweyne xisbi xaakim oo 10 jeer sharciga xeer 14 jebiyey oo wakhtigiisii dhaafay in weliba loogu sii daro in lacag intaa le’eg lagu baabiiyo.

Kulmiye wuxuu hore u qirtay in lacag rubuc malyuun doolar ah u qoondeeyey kharashka ku baxaaya shirweynahiisa oo iyaduba qalad weyn ahayd, laakiin bal waxaan sugayey waxa shirka ka dhacaya inta uu le’eg yahay. Markuu shirku furmay ee aan arkay waxa meesha iiga soo baxay sidatan; ilaa in ka badan 2,000 (laba kun oo ergo), ergooyinkaasi kharashaadka hoos iman kara waxa ka mid ah; horta direyska calaamadda xisbigga Kulmiye ku xardhan ee leh jeeni-qaarka, koofiyadaha, boodhadhka waaweeyn ee sawiradda, kiradda hoteelka, huraddadda iyo marti gelinta ugu yaraan 2,000 oo qof, safarka ay soo galeen laba kun oo qof oo meello fog ka kala yimid oo isla dalka uun ah, cuntadda ay cunayaan, qaadka iyo casuumaddaha daba socda. Haddii aan aad u yareeyo oo idhaahdo qofkiiba $400 (afar boqol) bal ka soo qaad kharashka ku baxayaa inuu yahay hadda waa kharashka kala nooca ah ee aan kor ku sheegay. Haddaba hadaad 2,000 kun ku dhufatid $400 waxaa kuu soo baxaaya lacag ah $800,000 (sided boqol oo kun oo doolar) waana sidaan ku helay kharashka Kulmiye oo aan yareeyey. Anigu waxaan waxaan rumeysnahay inuu intaa ka badan yahay sababtoo ah kumaan darin wax badan sida sooryadda, tikidhadda dadka dibadda ka yimid iwm.

Is ma laha naf hurista ummadeena Somaliland, kibirka, iyo ku takri falidda xoolaha ummadda ee xisbiga Kulmiye. Kulmiye wuxuu u haystaa in indho sarcaad ummadda lagu haysto. waxa aan cod togan ugu sheegaynaa Xisbigga Kulmiye ee talladda dalka hayaa in uu ka waantoobo buunbuuninta iyo ka-badbadinta dhacdooyinka yaryar iyo iska indhosaabka ama daahsaarka in ay ka hadasho arrimaha waaweyn ee ka midka ah waxyaalihii loo igmaday ee xilka iyo waajibaad gudashadeedu ku suntanaayeen sida biyo la’aanta dalka ka jirta, shaqo la’aanta, caafimaad la’aanta, boobka iyo dhaca, cadaalad daradda, musuqmaasuqa dul hoganaya, iyo maamul xumaanta. Sidaas awgeed, baannu muddarro u aragnaa in wax yar la koolkooliyo, wixii waynaana dhabarka loo sii jeediyo. Shirweynahii Kulmiyaa qabsoomay iyo dalkoo dhan baanu dhagaxaan soo dhignay, iyo hantiddii danyarta ayaanu ku faanaynaa laguma kasban karo quluubta ummadda. Ummadda Somaliland indhaha iyo dhegaha ha furto waxaana la soo gaadhay xilligii la soo faqi lahaa fadeexadaha tiradda beelay ee ay xukuumadan taagta darani ku dul fadhido.

Allaa mahad leh!

Jamaal Cali Xuseen

Musharraxa Jagada Madaxweynennimo ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka ee UCID

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories