HomeMusharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali...

Musharrax Maxamed Saleebaan oo Burco ku Qabtay Koob lagu xusay Marxuum Cali Sugulle & Kooxda Ku Guulaysatay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco (SLpost)- Koob lagu Xusayey Allah ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo Khamiistii Aas Qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasoo ay ku tartamayeen Kooxda Kubbadda Cagta ee ku ciyaara magacyada Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

MPSKoobkan oo uu soo diyaariyey, isla markaana dhigay Maxamed Saleebaan Cumar oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan inay u tartamaan Xildhibaannimada Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay inuu ugu talo-galay in lagu xuso Abwaanka caanka ahaa Marxuum Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo uu xusay inuu ahaa Abwaan weyn oo ka mid ah dadka lagu xasuusan doono Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ee Salka u dhigay, isla markaana sida wayn uga soo qayb-qaatay Gobannimo-doonka oo heerar kala duwan soo maray, sidaas awgeedna uu mudan yahay in Koob iyo Koobab-ba lagu xuso iyo dhiirrigelinta is-dhex-galka dhalinyarada, horumarinta ciyaaraha iyo in la isku xidhnaado.

MPM“Waxa sharaf ii ah inaan maanta Garoonka Alamzay ee magaalada Burco ku qabtay Koob lagu xusayo halgamaagii iyo halabuurkii Soomaaliyeed; AHN Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed). Koobkani oo aan sidoo kale uga dan lahaa dhiirrigalinta cayaaraha, isdhexgalka dhallinyarada iyo la-dagaallanka balwooyinka aafeeya da’yarta.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar oo Garoonka Ciyaartaasi ka dhacday hadal kooban ka jeediyey.

Musharrax Maxamed Saleebaan waxa uu sheegay inaanay hawshani noqon doonin tii ugu dambaysay, waxaanu yidhi; “Ma noqon doono hawshii ugu dambaysay ee aan qabto, wuxuu se qayb ka yahay dedaallo door ah oo daarran horumarinta awoodaha jidheed/maskaxeed ee da’yarta gobolka Togdheer oo aan ka mid ahay musharrixiinta uga tartamaysa doorashooyinka Wakiillada iyo Madaxtooyada ee 2017. Waxaan u mahadnaqayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay hirgalintii tartankan.”

Sidoo kale, waxaa iyaguna Ciyaartaas oo lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee Alamsay Stadium ee magaalada Burco ka qaybgalay Maamulka gobolka Togdheer, Maamulka dawladda Hoose ee Burco iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee degmada Burco, kuwaasoo iyaguna si diirran u soo dhaweeyey Koobkan uu dhigay Musharrax Maxamed Saleebaan Cumar ee lagu xusayey Marxuum Abwaan Cali Sugulle.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Qabo, Madaxda degmada, Xildhibaannada iyo dadweynaha kale ee Ciyaartaas ka qaybgalay, ayaa halkaas uga duceeyey Marxuum Cali Sugulle (Dun-Carbeed), waxaanay Allaah uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelka, Qoyska, Asxaabta iyo guud ahaan Somaliland iyo Ummadda Somaliland-ba Samir iyo Iimaan ka siiyo. Waxaanay Musharraxa ku ammaaneen garashada iyo go’aanka uu Koobkan lagu xusay Marxuumka ku dhigay.

Haddaba, Ciyaartan Kubbadda Cagta ee dhex-martay gelinkii dambe ee Axadda Maanta Kooxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, ayaa ahayd mid aad u kulul oo ay labada Kooxoodba ku soo bandhigeen Ciyaar aad u hufan oo weerar iyo difaac-ba dhisnayd, taasoo sababtay in Sagaashankii daqiiqo ee Ciyaartu socotay ay ku dhammaato Barbar-dhac Eber iyo Eber ah (0:0).

Hase-yeeshee, wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray, ayaa sidoo kale ay labada Kooxood isla dhaafi waayeen waxba iyo waxba, iyadoo aanay Kooxna u suuragelin inay Kooxda kale Birtooda Gool ku taabtaan. Balse dhinac waliba waxa uu ku dedaalay oo uu muujiyey Ciyaar adag oo Difaac iyo weerarba koobsatay.

Gebo-gabadii Ciyaartaa Kubbadda Cagta ee dhex-martay Kooxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Kooxda Ciidanka Qaranka ee Gaashaan ee ka dhisan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxa la isla gaadhay in Goolal Toos ah (Rigoodhayaal) la isku laato, waxaana Gool-laadashadaas tooska ah Guushu ku raacday Kooxda Gaashaan ee Ciidanka Qaranka oo Gool iyo Eber kaga adkaaday Kooxda Wasaaradda Duulista Magaceeda ku ciyaaraysay oo Halkaa goo lee Guushu Gaashaan ku raacday lagaga dhashay Laadka Tooska ah (Rigoodhe).

HOOS KA DAAWO HADALKA XILDHIBAANKA IYO FURITAANKII CIYAARTA

SOURCE: Aftahan News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories