HomeMusharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo Naqdiyey Siyaasadda Xukuumadda ee Macdanta Iyo...

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo Naqdiyey Siyaasadda Xukuumadda ee Macdanta Iyo Kheyraadka Dalka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Boston (SLpost)- Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u naqdiyey una dhaliilay wareegtada ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland ee sheegaysa in aan la hor istaagi karin shirkaddaha qalaad ee baadhaya kheyraadka dalka.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu cadeeyay in uu taageersan yahay in kheyraadka dalka la baadho, laakiin ay waajib dastuuri ah ay tahay in loo maro sifo sharci ah. Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Somaliland iyo Golaha wakiiladda ee Somaliland in aanay waajibkoodii dastuuriga ahaa ka gudanin arintani oo uu sheegay inay keeni karto iska hor imaad ka yimaadda shirkadahaasi iyo dadka kala duwan ee deggan deegaanada hawlaha sahamintu ka socdaan.

jamaal-cali-xuseenJamaal Cali Xuseen oo wakhtigan ku sugan Dalka Maraykanka, ayaa Qoraal Kooban oo arrintan kaga hadlayo, ku bilaabay sida tan: “Shirkadahani aan soo marin sifihii sharciga ahaa ee ay dhigayeen shuruucda waddankeenu waxay dalka u horseedayaan isku dhac weyn.

Xukuumaddanu waxay ahayd inay Baarlamaanka kala shaqayso intaan waxba laysaga saxeexin shirkaddahan ay wadda leeyahiin ajanabiga iyo dad reer Somaliland ahi. In Kheyraadka dalka la soo saaro ma diidanin waana arrin wanaagsan laakiin sida wax loo waddaa hadda waxay dalka ku soo waddaa fawdo aan loo dul qaadan karin, waxaananu aragnaa fool xumadda ka soo socota Ilaahay inaguma keenee haddii aan maanta wax laga badalin sida ay wax u socdaan. Waxay ahayd in dhowr shay ummadda loo iftiimiyo intaanay shirkadahani bilaabin wax sahamis ah; kuwaasoo kala ah;

1. In marka hore ay xukuumaddu ay Baarlamaanka waddanka u soo bandhigto heshiisyaddii ay la gashay shirakadahani iyo cidda wax ku leh shirkadahani. Taasoo ah waajib saaraan Baarlamaankana in ay iyagu ansixiyaan.

2. In Dadka deegaanaddaa wax laga qodaayo laga tallo geliyo, saami fiicana ay ku yeeshaan faa’iidada laga helaayo maadama ay dhibaato ku keeni karto deegaankaasi oo ay xoolahu u daaqaan.

3. In heshiisyadda noocan ah lagala tashaddo khabiiro dhinaca dhaqaalaha, Sharciga, iyo kheyraadkaba u leh aqoon dheeraad ah oo garan kara heshiisyadda noocan oo kale ah ee dalalka adduunku la galaan waddamadda. Sida la ogsoon yahay waddamo badan oo Afrikaan ah waxa lagu khiyaameeyay heshiisyo noocan oo kale ah waxaanay dalal badan oo Afrikaan ah ku keentay cawaaqib xumo ah mid ay dhaqaalle badan ku waayeen dalalkaasi, markii danbena keentay muran deeggaan iyo mid maxkamaddeed oo u dhaxeeyay dalalkaasi iyo shirkadihii wax ka qodaayey.  Arrinkani lama mid aha qandaraas layska siinaayo qof caaddiyadda ee waa hantiddii ummadda waxaanay u baahan tahay taxadir badan iyo wadda tashi faro baddan oo laga yeesho.

Anigoo ka jawaabayaa wareegtaddii xukuumadda Somaliland, waxaan leeyahay arrinkani oo kale maaha mid xoog lau fulin karo, loona baahan yahay in Baarlamaanku uu gacan weyn ku yeesho oo laga tallo geliyo. Baarlamaanka Somaliland isagana waxaan ku boorinayaa in aanay xilkooda gabin oo aanay noqon fadhiid ee ay xukuumadda la xisaabtamaan, halkaasina ka gutaan waajibkoodda dastuuriga ah. Ilaahay hayna garan siiyo waajibka Ummaddu inoo dhiibatay.

Jamaal Cali Xuseen

Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigga UCID

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories