HomeXisbiga Waddani Oo Xukuumada Iyo Guddida Doorashooyinka U Diray Baaqyo Ku Saabsan...

Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Iyo Guddida Doorashooyinka U Diray Baaqyo Ku Saabsan Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Musharaxa Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Iyo Guddida Doorashooyinka U Diray Baaqyo Ku Saabsan Doorashada“Xukuumada Waxaanu Usoo Jeedinaynaa Inay Lacagtii Doorashada Dhamaystirto, Komishanka Doorashaduna Waa Inuu Cayimaa Maalinta Doorashadu Dhacayso” Gudoomiye Ciro    

Hargeysa (SLpost) – Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani, ahna gudoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali ayaa maanta dalka ku soo guryo noqday kadib safar ay mudo ugu maqnaayeen dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Labadan Masuul ee ugu sareeya xisbiga Waddani ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa kadib markii ay ka soo dageen garoonka diyaaraha ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay madaarka kaga hortageen masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsan xisbiga Waddani.

Ugu horayn Gudoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ugu baaqayaan inay dhamaystirto lacagta doorashada lagu galayo maadaama oo doorashada ay wakhti yari ka hadhasan yahay, waxaanu sidoo kale Mr Ciro usoo jeediyey Komishanka Doorashooyinka inay cayimaan maalinta ay qabsoomayso doorashadu. Gudoomiyaha Cabdiraxmaan oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Ramadaan Kariim: marka hore illaahay bishan barakaysan danbi dhaafkeeda ha ina siiyo, ajarkeedana ha ina siiyo. Marka labaad waxaan tacsiyadaynayaa shacabkii reer Somaliland intii ku geeriyootay shuban biyoodka dhammaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland ee uu ka dhacay shuban biyoodku.

Waxa kale oo oo tacsiyadaynayaa nin weyn oo reer Somaliland ah oo aad ka war haysaan Mujaahid Marxuum Maxamed Biixi Caalin ‘Ooto”, illaahay isna samair iyo iimaan ha inaga siiyo dhammaanteen.” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.

Sidoo kale  Musharaxa Xisbiga Waddani ayaa mar uu si kooban uga hadlay ujeedada socdaalkii ay isaga iyo Hoggaamiye Xirsi ugu maqnayeen Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi “Safarkayagu wuu koobnaa  waxaanu ku koobnaa hawlo  Qaran iyo hawlo Xisbiba, mudadaa aanu maqnay waxaad ogaydeen in xisbiga Waddani uu si balaadhan uga qaybgalay gurmadka shuban biyoodka, waxaanad ka war-qabtaan Xisbiga WADDANI wuxuu ahaa  Xisbigii ugu horeeyey ee ka qayb-qaata taakulada shuban biyoodka wixii kale ee suurta gal ahna waanu soo wadnaa haddii illaahay ka dhigo.

Intii aanu halkaa (Dubai) ku maqnay wadankii aanu tagnay masuuliyiintiisa cid ayaanu ka aragnay guud ahaan, madax-da Xisbiga WADDANI iyo taageerayaasha wadamadaas waanu la soo kullanay iyo guud ahaanba jaaliyada reer Somaliland ee halkaa  ku sugan.

Gabagabadii musharaxa Xisbiga Waddani mar uu ka hadlay arimaha doorashada fooda inagu soo haysa, isla markaana uu baaqyo kala duwan u diray Xukuumada Maxaxweyne Siilaanyo iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa uu yidhi “Waxa aynu u diyaargaroobaynaa xili doorasho, goboladan laga bilaabayo kaadh qaadashada waa labadii gobo lee ugu waaweynaa Jamhuuriyada Somaliland ee Maroodi Jeex iyo Togdheer, shacabka waxaanu ugu baaqaynaa inkastoo duruufo adagi jiraan inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka abaaraa inagu dhacay oo dad badan oo kaadhadhka qaadan lahaa may imanin sidii ka cadaatay Awdal iyo Saaxil, markaa waxaan ugu baaqayaa muwaadin kastaa inuu ku dedaalo inuu qaato kaadhka si uu u helo xaqiisa codaynta.

Xukuumada waxaanu usoo jeedinaynaa maadaama oo wakhtiga hadhayba uu aad u yaryahay inay lacagtii doorashada dhamaystirto, Komishanka doorashadana waxaanu ugu baaqaynaa inay si rasmi ah usoo saaraan cayimaada maalinta doorashada” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  Xirsi Xaaji Cali oo isna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada safarkii ay isaga iyo musharax Cirro ku tageen dalka imaaraadka waxaanu ku bilaabay haddalkiisa “Xisbiga inta halkan joogta ee na soo dhaweysay iyo saxaafada waan idin salaamayaa dhammaantiin, salaan kadib waad ku mahadsantihiin saaxafad iyo haddii ay yihiin madax-da xisbiga ee na soo dhaweysay-ba, waxaanu ku nimi saaka nabad-qab, safarkayagii oo ahaa imaaraadka Dubai , waxa uu noogu soo dhamaaday si guul leh, hawlihii aanu u soconay ee Xisbiga iyo wixii kale ee nagaga soo baydha arrin qaran ee aanu markaa aragnay waxay noogu dhammaatay si wanaagsan oo guul leh, hawlahayagii Xisbiga iyo shaqooyinkii aanu u tagnay si wanaagsan ayey noogu dhammaadeen”Ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

Hoos Ka DAAWO Muqaaladii

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=2IDmmZuHr4k

 

https://www.youtube.com/watch?v=ECQAqBbUwPQ

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories