HomeMusharax Muuse Biixi Oo Sidiiran loogu Soo Dhaweeyay Balli-cabbane iyo Sayla-bari

Musharax Muuse Biixi Oo Sidiiran loogu Soo Dhaweeyay Balli-cabbane iyo Sayla-bari

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ballicabane (Slpost)-Weftiga xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey degmooyinka Balli-cabbane, Sayla-bari iyo deegaanka Gumar maanta, kuwaasoo boqollaal dadweyne ah oo ku dhaqani si qiimo iyo kalgacal leh ugu qaabileen weftiga, una muujiyeen dhoola-tus taageero baaxad leh oo si weyn u farxad-geliyey Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE iyo masuuliyiinta wehelinayey.

kulmiye

Degmada Balli-cabbane oo ahayd meesha taageerada ugu weyn uu kala kulmay weftiga KULMIYE, ayaa boqollaal qof oo dadweyne isugu jira rag, dumar, dhallinyaro, waxgarad iyo shaqsiyaad caan ahi ku maamuuseen, iyada oo xaflad qurux badan oo qaabilaad meel ka baxsan magaalada loogu sameeyey kadib loo sameeyye ay hadallo ka jeediyeen Suldaanka beesha deegaanka Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Agaasimaha Fulinta Hay’adda ka hortagga AIDS-ka Prof. Cabdi Cali, Guddoomiyaha Ururka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday, Xildhibaan Ilyaas Aw Xuseen Jaamac, odyaal iyo waxgarad kale ay ku tuseen sida miisaanka leh ee ay u taabacsan yihiin xisbiga iyo murrashaxiisaba, isla markaana u sameeyeen ballanqaadyo adag oo ay doonayaan inay ku doortaan.

Waxa kaloo bulshada degmada Balli-cabbane oo ay horkacayeen Suldaanka guud ee beesha deegaanka Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle iyo Abwaanka caanka ah ee Abwaan Cabdi Aadan Xayd (Qays) ku xurmeeyeen murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi inuu hoggaanka qabto geel uu hormood u yahay Awr gool ah oo lagu heeryeeyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Degmada Sayla-beri oo soo dhawayn meeqaamkeedu sarreeyo ugu soo baxeen masuuliyiinta weftiga, waxaanna madal aan reer Sayla u kala hadhin oo lagu qabtay geed wayn oo ay caan ku tahay hadallo qaabilaad ah ka jeediyey Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud iyo Odayaal iyo Waxgarad ka tirsan deegaanka, kuwaas oo u hogo-tusaaleeyey weftiga taageerada iyo jacaylka ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo ay tilmaameen inay taariikh qoto dheer oo hore ka dhaxayso.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta wehelinayey, waxay ka mahadceliyeen taageerada ay kala kulmeen dadweynaha deegaannada Balli-cabbane iyo Sayla-bari, waxaanay ugu baaqeen dadweynaha inay dedaalkooda ugu weyn ku bixiyaan sidii loo diiwaangelin lahaa dadka, taasoo hiil u noqonaysa qaranka, deegaannadooda iyo xisbiga KULMIYE ee ay taageersan yihiinba.

Md. Muuse Biixi oo la hadlayey shacabka degaannada Balli-cabbane iyo Sayla-bari, waxa uu yidhi, “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa dadweynaha reer Balli-cabbane iyo Sayla sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen ee aad noo sharafteen. Shirkii Mada’wayn ee xilligii halgankii oo la yidhaa wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee Somaliland isugu timaado bari iyo galbeed muddo 800 sanno ah, shirkaas ducaydiisii way kacday oo way ku midowday Somaliland oo waakii halganka lagu galay, maantana ducadii ayuun baynu rabnaa dalka horumarintiisa, waayo haddaynu hore u xorraynay dalka, maantana horumarintiisa ayeynu rabnaa, taasina dadaal badan bay rabtaa, adkaysi iyo aqoon bay rabtaa, dalka cid kale u imanayso ee innaga ayuu inna sugayaa horumarintiisu. Xisbigeenna waxa la yidhaa xisbiga Horumarinta, Midnimada iyo Nabadda, saddexdaa qodob baynu ku dadaalaynaa ta qof walba maskaxdiisa gasha, dadkeenna oo is dhexgala, wada dega oo walaalooba oo wax wadaqabsada ayeynu ku midaysannahay, waana astaanta aynu kaga duwannahay xisbiyada kale oo dhan. Ilaahayna waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta innaga soo jabiyo.”

 “Waxaannu u soconnaa waa diiwaangelinta oo loo baahan yahay in aynu u dadaalno sidii dadkeenna oo dhami u qaadan lahaayeen kaadhka, arrinta xadka xidhan arrintiisa waxaannu kala hadlaynaa dawladda Itoobiya, waxa la diray wefti xukuumadda Somaliland ka socda uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhiligu si la inoogu soo fasaxo dadka abaaruhu ka tallaabiyeen xadka,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories