HomeMusharax Jamaal Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Xadhiga Madaxdhaqameedka Uguna Baaqay Inay Soo...

Musharax Jamaal Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Xadhiga Madaxdhaqameedka Uguna Baaqay Inay Soo Dayso

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda ku dhaliilay xadhiga ay kula kacday salaadiinta iyo boqorada Somaliland.

Waxaanu ugu baaqay sida ugu dhakhsaha badan inay ku soo dayso suldaan Sabeyse, Suldaan Ibraahin Sulub iyo Boqor Taabi, waxa uu arintan kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta bulshada ee Facbook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan”Waxaa la xidhay Boqor Raabbi, Suldaan Sabeyse, Suldaan Ibraahim Sulub. Nimankaa madax dhaqameedka ah ee Bulshada sharafta ku dhex leh maaha in fikirkoodda lagu cabudhiyo oo xoriyadoodda la weeraro. Sharcigu miyaanu ahayn marka qof wax Lagu soo eedeeyo Ee ay maxkamaddi xukunto ayaa la xidhi karaa. Arrinkani ma mid dadka lagu mashquulinayo oo boobka hantidda ummadda lagu jeedinayo baa? Waxaa iigu yaab badnaa markay xukuumadu tidhi dadka ayeey kicinayaan oo sababtaa darteed baanu u xidhaynaa. Horta dadka yaan la caayin ileyn caqli bay leeyahiinoo maaha dameeri dhaan raacdaye. Waa mida labaade horta ma dawladda dadka hantidoodii boobaysa ayaa kicinaysa dadka mise madax dhaqameed ka gilgishay xumaha oo dareenkoodda muujiyey. Waxaan ku talin lahaa inaan xuquuqul insaanka lagu xad gudbin oo madax dhaqameedkan xoriyadooda loo soo celiyo. Waftigii Ugu danbeeyey ee Caalamka ka socday ee xukuumadda la hadlay ayaa aad ugula hadlay arrinta xoriyadda muwaadiniinta Somaliland oo ay xukuumaddu god madow ku riday beryahii u danbeeyey. Ilaahay ha sahla amuuraha.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories