HomeMusharax Jamaal oo Reer Awdal Xaal ka Siiyey Hadal Guddoomiyaha UCID ka...

Musharax Jamaal oo Reer Awdal Xaal ka Siiyey Hadal Guddoomiyaha UCID ka soo Yeedhay Iyo Khilaaf ka Dhex Dilaacaya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Dubai(SLpost) – Khilaaf ayaa ka dhex bilaamay xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, waxaana khilaafkaasi soo shaac saaray musharaxa jagada madaxweynaha Ucid Jamaal Cali Xuseen, oo jawaab ka bixiyay weedho Eng Faysal Cali Waraabe dhawaan ku sheegay waraysi uu bixiyay.

 

Muranka ayaa salka ku haya dood Eng Faysal Cali Waraabe soo bandhigay oo ku aadan in bulshada reer Awdal wada hadal iyo dood lala furo, islamarkaana laga hor tago nacayb beesha dhexe ah oo lagu beero bulshada reer Awdal. Waxa kale oo uu sheegay in haddii uu ku qanci waayo waxqabadka musharaxiinta xisbigiisa uu dadka kula talin doono inay xisbiyada kale u codeeyaan.

 

Hadalka Faysal Cali Waraabe ku sheegay in bulshada Awdal laga dareemayo nacayb ay beesha dhexe ee Somaliland u hayaan, waxaa ka dhalatay dood bulshada Awdal kaga gilgilatay hadalkaasi, hase ahaatee Eng Faysal oo arrintaasi dib wax looga waydiiyay wuxuu sheegay in cidda arrintaasi dood ka qabta uu dood u furayo walibana ugu tagayo jaamacadda Camuud. Wuxuu ku dooday in reer Awdal 8 sanno dalka madaxweyne ka ahaayeen, haddana aanay haboonayn inay nacayb bilaabaan.

Musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkaa guddoomiyaha xisbigiisa ka soo yeedhay sheegay in uu xaal ka bixiyey ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Dhalinyaro ka soo jeeda gobolka Awdal, odoyaal iyo dad fara badan oo jooga gobolka Awdal oo ila soo xidhiidhay  ayaa aad uga cawday hadaladii gudoomiyuhu ka yidhi warbaahinta,  marka hore dadkaas  xaal ayaanu ka siinaynaa xisbi ahaan, maaha gudoomiye xisbi iyo madaxda qarankuba inay marna arimo xanaf leh oo qabyaalad dhex galaya ka hadlaan , dadkuna waa dad walaalo ah oo soo wada shaqeeyey, Awdalna iyada ayaa dhisatay somaliland umana malayno in dadka reer Awdal ay neceb yihiin dadkooda kale ee walaalahood ah kal gacal ay u hayaan mooyaane, waxa kale oo ay dadka reer Awdal ay cod xoog leh siiyeen inuu mar kale noqdo xisbiga Ucid Xisbi qaran doorashadii la galay 2012-kii, markaa waxaan leeyahay somaliland-na abaal ayey idiin haysaa, Ucid-na abaal ayey idiin haysaa.” Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen oo Dubai kula hadlay HCTV.

Sidoo kale musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid waxa uu jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha xisbigaas, kaas oo uu sheegay inuu taageeri doono musharaxiinta kale ee xisbiyada kale ka tartamaya waxaanu yidhi “Qodob ayuu gudoomiyuhu ka hadlay oo uu yidhi haddii aan u arko nimanka musharaxiinta ah xisbigayga waxay igu kalifaysaa inaan dadka ku yidhaahdo nimanka kale ee xisbiyada kale ka sharaxan codka siiya, hadalkaas anagu waxaanu u aragnaa sidii diyaaradii Hargeysa ka kacday ee isla Hargeysa duqaysay , gudoomiyaha kamaanu filayn inuu xisbigiisa duqeeyo taasina waa mid dimuqraadiyada ka baxsan caalamkana laguma arag nin xisbi gudoomiye ka ah oo yidhaahda dadkii ka sharaxnaa ma taageerayo ee dad kale ayaan taageerayaa meel ay dimuqraadiyada caalamka kaga dhigan tahay oo aynu aragnay ma jirto, waxaan u sheegayaa gudoomiyaha in arinkaasi uu wal wal badan galiyey taageerayaasha xisbiga.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa kale oo uu ka waramay heshiiska ay wada galeen hogaamiyaha xisbigaas, waxaanu tilmaamay inay tacab badan galiyeen xisbig waxaanu mar kale yidhi “Xisbiga Ucid waa xisbi ay sameeyeen gudoomiyaha iyo rag kale, waxaana ogolaanshaha la siiyey 10 sano  markii ay dhamaadeena waxa uu noqday urur, markii aanu gudoomiye Faysal u tagnay ee aanu heshiiska wada galnay wuxuu nagu yidhi xisbigu  imika waa urur maaha xisbi haddii aad doonaysaan inaad ka tartan oo aad musharaxiin ka noqotaan soo saara xisbiga,  xisbiguna wuu ka war hayaa xoog iyo xoolaba inaanu dul dhignay oo aanu xisbiga soo saarnay, heshiisna ku galnay qawlna ku galnay iskuna dhaarsanay.”

Ugu danbayntiina musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay inay qaban doonaan shirweyne aan caadi ahayn oo ay kaga tashanayaan hogaanka xisbiga haddii ay u arki waayaan inuu guul gaadhsiinayo “Haddii aanu anagu u aragno inaanu hogaankii xisbigu na wadayn oo aanu guul noo horseedayn waxay nagu kalifi doontaa inaanu shir weyne aan caadi ahayn iskugu yeedhno xisbiga kaas oo aanu kaga arinsanayno gudoomiyaha iyo hogaanka xisbiga.”

 

Halkan Kaga Bogo Warkaas oo Muuqaal ah:

https://www.youtube.com/watch?v=XrUUq71GfW0

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories