HomeMusharax Indho-Indho oo Sheegay in uu Hambalyeynayo Haddii Lagaga Guulaysto Xilka uu...

Musharax Indho-Indho oo Sheegay in uu Hambalyeynayo Haddii Lagaga Guulaysto Xilka uu u Tartamayo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost) – Musharraxa Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Md Cabdiqaadir Maxamed Xasan(Indho-indho), ayaa shaaciyey inuu Hambalyeyn  Haddii lagaga Guulaysto Kursiga Madaxweyne-ku-xigeen ee uu higsanayo. Cabdiqaadir Indho-indho oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay wargeyska Hubaal, ayaa caddeeyey inuu kaslooni ku qabo hankiisa musharraxnimo, isla-markaana uu si kal iyo laab ah u hambalyeyn doono Cidkasta oo Xisbiga Dhexdiisa kaga guulaysata Kursiga uu haatan raacadada ugu jiro, “waxan diyaar u ahay inaan hambalyeeyo cidkasta oo Kursiga aan u tartamayo ee Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye igaga guulaysata, kalsooni buuxdana waan ku qabaa natiijo kasta oo kasoo baxda Cidda ka garsooraysa shirweynaha dambe ee lagu dooran doono Musharraxiinta jagada madaxweyne-ku-xigeenka u taagan, markii aan gu’aan saday inaan is sharraxo waxan aaminsanaa in Guul iyo guuldarroba jiraan oo labada aan la kulmi karo.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

 

Musharrax Indho-indho oo Hadalkiisa sii wata, ayaa  sidoo kale xubnaha kale ii dhiggiisa ah usoo jeediyey inay dadka u sheegaan Mawqifkooda ku aaddan haddii waxa ay raadinayaan ay waayaan, waxana uu yidhi, “Musharixiinta kale ee dhiggayga ahi ha caddeeyaan Mawqifyadooda ku aaddan waxa ay yeelayaan Haddii ay waayaan Waxa ay doonayaan, waana inay sidayda oo kale Bulshada u sheegaan Mawqifkooda si aanay bulshadu u warwarin”. Cabdiqaadir Maxamed Indho-indho, ayaa ah Musharraxa kali ah ee ilaa haatan caddeeyey mawqifkiisa ku aaddan waxa uu yeeli doono Natiijada Musharraxiinta Xisbiga ka helaan marka lasoo saaro, waxana uu tilmaamay inuu Diyaar u yahay Hambalyeynta cid kasta oo guulaysata.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories