HomeMusharax Afrikaan Ah Oo Shaaciyay Inuu U Taagan Yahay Madaxtinimada FIFA

Musharax Afrikaan Ah Oo Shaaciyay Inuu U Taagan Yahay Madaxtinimada FIFA

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Monrovia, (SLpost)- Gudoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta dalka Afrika ku yaalal ee Liberia Musa Bility ayaa ku dhawaaqay inuu  utaagan yahay doorashada madaxtinimo ee FIFA.Musa-Bilit

Waxaa la filayaa in la qaban doono doorasho cusub oo ay FIFA ku soo dooranayso madaxweyne cusub iyada Sepp Blatter uu hore shaaciyay inuu iska casilay madaxtinimada FIFA.

Musa Bility ayaa ah musharixii labaad ee Afrika ka soo jeeda ee abid isku soo taaga doorashada madaxtinimada FIFA, waxaana ka horeeyay madaxweynaha hadda ee xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee Issa Hayatou,  kaasoo sanadkii 2002-dii uu Sepp Blatter ka guulaystay.

FIFA ayaa weli kuy dhex jirta fadeexad soo baxday bilihii ugu dambeeyaybay, taasoo sabab unoqotay in Sepp Blatter oo muddo 17 sano ah madaxweyne kasoo ahaa FIFA uu iska casilo jagada madaxweynenimo ee FIFA, ka dib markii uu afar maalmood hayay waqtigii cusbaa ee loo doortay madaxweynaha FIFA.

Musa Bility oo ah guddoomiyaha FA-ga Liberia ayaa cadeeyay inuu u tartami doono doorashada madaxweynenimo ee lagu soo dooranayo qofkii bedeli lahaa Blatter oo hore u shaaciyay inuu iska casilay jagada madaxweyne ee FIFA, wuxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn oo lagu soo dooranayo madaxweyne cusub.

Haddaba Musa Bility ayaa wata qorshe uu doonayo inuu FIFA kaga saaro xaalada xun ee ay ku jirto, wuxuuna soo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Inuu FIFA ka saaro xaalada qalalaase isaga oo sheegay inuu ku maamuli doono hab wax kastaaba muuqdaan.
  2. Waxa uu doonayaa in la dhimo awoodda 24-ka xubnood ee guddida joogtada ah ee FIFA iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Musa Bility ayaa yidhi: “Afrika waa xulafadda ugu balaadhan ee FIFA codka bixisa iyada oo ka kooban 54 xubnood, waxaana waajib ah inaanu hogaaminta FIFA qabano si aanu kubbada cagta iskugu keeno.”

Guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta Liberia ee Bility oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haddii ayna Afrika musharax keensan, taasi wax badan ayay naga sheegaysaa, waxay muujinaysaa dareen liitinimo, waxayna muhiimadu keliya noqonaysaa inaanu codka bixino oo aanu soo doorano hogaamiyeyaasha, waxaan filayaa inaanay taasi sax ahayn”. Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories