HomeMusalsal Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu Quus-goynayso Mucaaradka oo Hargeysa ka Socda

Musalsal Xukuumadda Madaxweyne Biixi ugu Quus-goynayso Mucaaradka oo Hargeysa ka Socda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay si maalinle ah u kaayeystaan u jawaabista Xisbiyada Mucaaradka oo dhawaan ku dhawaaqay inay Aqoonsanayn Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi oo muddo-xileedkeeda rasmiga ah dhammaaday.

Haseyeeshee, Golaha Guurtida Somaliland ayaa horaantii bishii October ee sannadkan waxa ay muddo-xileedka madaxseynaha u kordhiyeen Laba sanno kaddib markii ay xisbiyada mucaaradka iyo xukuumaddu ku heshiin waayeen qabsoomidda Doorashooyinka.

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku doodaysa in doorashada ururrada siyaasaddu ka horeyso qabsoomidda doorashada madaxtooyada, halka xisbiyada mucaaradkuna ku adkaysanayaan inaanay oggolayn doorasho aan ahayn ta madaxtooyada.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa muuqaallada shirar-jaraa’id oo madaxtooyadu dabada ka riixayso oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyey ay xubno wasiirro ahi ugu jawaabayeen axsaabta mucaaradka, waxaana wasiirradan ugu dambeeyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tecknoolajiyadda Dr Cabdiwali Sheekh Suufi oo sheegay in xukuumaddu wada-hadallo u furma xisbiyada mucaaradku ku xidhay shuruud ah in marka hore labada xisbi ay ka laabtaan wax uu ku tilmaamay dhawaaqii Sharciga iyo xeerarka dalka baalmarsanaa ee ka soo yeedhay labada xisbi mucaarad.

Xubnahan Wasiirrada ah ee u jawaabay mucaaradka waxa u horreeyey Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Xannaanada Xoolaha oo furay Ololahan aanu ugu magac-darnay “Musalsal Xukuumada Biixi ugu Quus-goynayso Mucaaradka ee Hargeysa ka socda”, Kaas oo sida qorsheysan la filayo inuu joogto noqdo maalmaha soo socda.

Wasiirrada Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Beeraha ayaa iyaguna Axaddii Dorraad iyo Isniintii shalay siyaabo kala duwan ugu jawaabay labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories