HomeMurugada Jooji Oo Nolosha Ku Raaxeyso – W/Q: C/raxmaan C/laahi (wirdaani) –...

Murugada Jooji Oo Nolosha Ku Raaxeyso – W/Q: C/raxmaan C/laahi (wirdaani) – Q. 2aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

Sideed u kasban kartaa quluubta dadka

Aan umahad celiyo allaha ina siiyey quluub aynu ku maamulno nolasheena hadana inaga kala dhigay qaar quluubtoodu kala duwantahay.

Mahanaqa Eebe kadib qofkastaa wuxuu rabaa inuu helo wax uu jecelyahay isna jecel, haba noqoto waalidkiisa, xaaskiisa, caruurtiisa, qaraabadiisa,iyo asaxaabtiiba, hadana taasi waxay kaaga baahantahay da’daal sidaad ukasban laheyd quluubtooda.

 Tusaale: kasoo qaad inaad soo gashay madal lagu caweynayo oo ay fadhiyaan afar ruux, horaad usoo dhaaftey si aad ugacan qaado asaxaaabta fadhida,

Kii koowaad ayaad gacantaada u fidisay si dabacsan isna wuu kuu soo fidiyey gacatiisa si dabacsana kuuna yidhi soo dhawoow.

Kii labaad wuxuu ahaa mid mashquulsan markaas ayaad si kadisa u salaantey waxaanu si qabaw kaaga qaadey salaantii isagoon ku eegin.

Kii saddexaad wuxuu ahaa mid ku hadlayey talefankiisa gacanta isna waad salaantey isna ku gacan qaadey isagoo si wacan salaantii kaaga qaadin.

Kii afraad markuu ku arkey wuu sara kacay, salaana kugula dagdagey, waana qoslay, waxaanu ku muujiyey kalgacal, si xoogan kuu salaamay,

Kadib markaad salaantii aad dhameysatey ayaad la fadhisatey asxaabtii.

Allaan kugu dhaarshee miyaan qalibigaagu soo jiidan asxaabtaad salaantey mid ka mida?

Haa wuu soo jiitey xataa adoo wada garanayey sidaa, darteed ayuu qalbigaagu ujeclaadey, adoon ku dooran lacag, mansab, xisbi, iyo qabiil, lakiin mankaagu ku raacay siduu kuula macaamilay.

Hadaba la macaamilka dadku waxay ka dhigaysaa mid la jecelyahay shakhsiyadaada,dadnimadaada,akhlaaqdaada, iyadoo lagugu jeclaanayo la wadaagida xiliga dhibaatada, raali galinta markaad ku qaldanto, hakana yeelin quluubtooda mid kuugu xidhan kursigaaga iyo jeebkaaga.

Kan siinaya caruurtiisa iyo gabadhiisa maalka muu kasban quluubtooda wuxuu kasbadey calooshooda, kan lacagtiisa ku quudinaya qaraabadiisa isagoo si wacan ula dhaqmaya ma kasban quluubtooda laakiin wuxuu kasbadey jeebkooda.

Sidaas oo ay tahey ha fogeysan inaad aragto qof dhalinyar ah oo mushkilad qabsatey  una cabanaya  saaxiibkii ama macalinkii, hadana ka tagey aabihii, waayo aabihii muu kasban qalbiga wiilkiisa mana jabin siraha u dhaxeysa isaga iyo ilmihiisa, sidaad ayey u kasbadeen qalbigiisa macalinka iyo saaxibkii.

Miyaanad ila arag dadka qaar markey soo gaalaan hudheelada ama meelaha la iskugu yimaad isagoo qofkani radinaya meel uu fadhiisto, waaba kuwii fadhiyey oo mid kastaa u yeedhayo si uu ufadhiisto agtiisa waayo?

Miyaanad arag qof isna soo galay maadasha lagu caweynayo oo radinaya meel uu fadhiisto kolba meel eegaya oo aan hadana qofna u yeedheyn ama cidna qabileyn ilaa kursi kalidii fadhiisto waayo?

Waa maxey sababta dadku ukala doorbidayaan labadan ruux?

Waa inaad kasbataa quluubta dadka, martaana dariiqyo fudud oo qofku ku ugaadhsan karo quluubta dadka, si aad u kasbato quluubta dadka kale waa inaad muujiso kalgacal, jeclaansho, sameysaana fariintii nabigeeni subanaa (NNKHH) ee aheyd “ma idin tusiyaa waxaad isku jeclaataan, dhexdiina ku fidiya salaanta” intaas iyo wixii la mida ood la timaado waxaad ku kasban karataa quluubta dadka si fiican noloshaada ugu raaxeysan kartaa.

wirdaani@hotmail.com

Alpha university

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories