HomeMurrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan...

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ku Tilmaamay Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) Halyey Ka Baxay Bahweynta Suugaanleyda Af-Ka Soomaaliga Iyo Umadda Reer Somaliland-ba.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay”. Jamaal Cali Xuseen

jamaal-cali-xuseen2

Hargeysa(SLpost):-Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, eheladii, qaraabadii, Suugaanleydii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa,Kadib markii isla maanta geeriyooday.

Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay qoraal uu soo saarey, waxaanu u dhignaa qoraalkaasi sidan:

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Xisbiga, iyo ka taageerayaasha Xisbiga UCID ee ku kala nool dunidda dacaladooda, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Alle ha u naxariiste Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali-Banfas) oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa. Alle ha u naxariiste Marxuum Abwaan Cali Banfas waxa uu ka mid ahaa Suugaan-yahanadii calanka u siday hal-abuurka Soomaalida sanadihii 1980-kii, waxaanu kaga door-roonnaa in baddan oo bahda Murtida ay wada ahaayeen dhiiranaan iyo hal-adayg aanu runta la gaban jirin haday mur ka qadhaadh tahay.

Waxa uu ahaa Marxuumku Nin wanaagsan oo dadka jecel oo Suugaantiisa aad looga wada-yaqaano dhulka Soomaalidu degto,waxa uu ahaa Macalin, isla markaana waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM isaga oo kaalin miisaan leh ka soo qaatey halgankii dib u xoreynta dalka, halkan kuma soo koobi kareyno taariikhda Marxuum Abwaan/Macalin Cali Xasan Aadan (Cali Banfas).

Marxuum Cali-Banfas waxa uu ahaa halyey ka tagay taariikh lagu xasuusan doono, waxaanu muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan-jiiff ku ahaa Magaalada Hargeysa.

Waxaan si gaara u tacsiyadeynayaa qoyskii,eheladii, qaraabadii,Bahweynta Suugaan-leyda Af-ka Soomaaliga ku hadasha iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Magaalada Hargeysa, kadib markii uu isla maanta geeriyooday.

Geeridu waa xaq oo naf-kasta way dha-dhamin doonta geerida oo waa la wada dhimanayaa, Waxaanan Marxuumka ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories