HomeMurrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Degmada Faro-weyne iyo...

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo si Ballaadhan loogu soo Dhaweeyey Degmada Faro-weyne iyo Deegaanno Hoos yimaadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Faro-weyne (SLpost)- Guddoomiyaha KUKLMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey degmada Faro-weyne iyo deegaanno hoos yimaadda oo ay ka mid yihiin Waddo-Makaahiil, Bandar-ammaan iyo meelo kale oo dhammaantooda ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.

Wefti uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweyna KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah hoggaanka heer qaran ee garabka haweenka KULMIYE oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar shaqo ku marayey gobollada galbeedka Somaliland, kana soo kicitimay magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley saaka, ayaa ugu si qiime leh ay kumanaan shacabka degmada Faro-weyne ah oo si qurux badan ugu soo lebbistay astaanta xisbiga KULMIYE, isla markaana lulaya caleemo qoyan iyo sawirrada murrashaxiinta xisbiga ay ugu qaabileen magaalooyinka Farawayne, Waddo-Makaahiil, Bandaramaan iyo sidoo kale Abaarso.

_MG_7011 (3) (1)Taageerayaasha xisbiga KULMIYE eek u dhaqan degmada Faro-weyne oo wata boqollaal gaadiid ah iyo tiro gammaan ah oo loogu lebbisay calanka xisbiga KULMIYE, ayaa goob magaalada ka baxsan kaga hortegay murrashaxa iyo weftigiisa, waxana socod dheer kadib loo gelibiyey goob fagaare ah oo si faraxsannimo leh loo qurxiyey, taas oo ay weftigu kala hadleen shacabkii soo dhaweeyey.

Soo dhaweynta ay bulshada degmada Faro-weyne ku qaabishay Guddoomiyaha oo ahayd mid si weyn indhaha usoo jiidatay, ayaa waxa hormood ka ahaa cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, haweenka, haldoorka iyo aqoonyahanka degmada oo ay wehelinayaan maamulka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan degmada, waxana hadallo shacabka soo dhaweynta wacdaraha wadatay loogu mahadnaqay halkaas ka jeediyey xubno weftiga iyo dadka deegaankaaba isugu jira.

Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmada Faro-weyne oo ay kamid yihiin Suldaan Ibraahim Sulub, Suldaan Aadan Suldaan Aamin Faarax, Suldaan Xuseen Ismaaciil, Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa murrashaxa iyo weftigiisa uga mahadceliyey booqashada shaqo ee ay halkaas ku tageen, waxana ay shaaca ka qaadeen in dhammaanba bulshada degmadu ka siman tahay taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Siyaasiyiyiin miisaan ku leh xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde, Cali Maxamed Waran-cadde, Cabdicasiis Maxamed Samaale, maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Badhasaabka gobolka Togdheer Md. Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug, Cali Cumar Guuleed iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey isu soo  baxyada iyo soo dhaweynta xammaasadda leh ee shacabka degmada Faro-weyne ku qaabileen murrashaxa iyo weftiga uu hoggaaminayo, waxana ay shacabka ku dhiirriyeen inay xil weyn iska saaraan sidii ay codkoodana u siin lahaayeen xisbiga waqtiga cod-bixinta la gaadho.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad kooban u jeediyey shacabka degmada Faro-weyne, ayaa bogaadiyey soo dhaweynta gacaltooyo ee ay ku qaabileen, waxana uu kula dardaarmay inay taageeradooda muujiyaan maalinta codbixinta la gaadho.

Sidoo kale, guddoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Waddo-makaahiil oo ka tirsan degmada Faro-weyne, waxana si meeqaamkeedu sarreeyo halkaas ugu soo dhaweeyey guud ahaan shacabka deegaanka Waddo-makaahiil oo ay horkacayaan wegen gammaan ahi, isla markaana ay wehelinayaan, cuqaasha, salaadiinta, Ugaasyada iyo waxgaradka deegaankaasi.

Shacabka isugu soo baxay soo dhaweynta weftiga murrashaxa KULMIYE hoggaaminayo, ayaa ku tiraabayey erayo mac oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, waxana ka muuqatay xammaasad iyo taageero laxaadleh oo ay xisbiga ku garab taagan yihiin.

Ugaaska guud ee beesha deegaanka Waddo-makaahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane oo shacabka soo dhaweynta isugu soo baxay hadal kooban u jeediyey, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay bulshadu ku qaabishay murrashaxa iyo weftigiisa, waxana uu shaaca ka qaaday inay deegaan ahaan si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddare iyo Wasiirkii hore Sheekh Muxumed Suufi Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa hadallo dardaaran iyo duco isugu jira u jeediyey bulshada reer Waddo-makaahiil ee soo dhaweynta murrashaxa iyo weftigiisa isugu soo baxday.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey, ayaa ku bogaadiyey soo dhaweynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen, waxana uu ka dalbaday in iyaga oo waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka tusaale qaadanaya ay codkoodana ugu deeqaan KULMIYE.

Deegaannada kale ee weftiga murrashax Muuse Biixi Cabdi hoggaminayo sida diirran loogu soo dhaweeyey waxa kamid ah Bandaramaan iyo Abaarso, waxaana magaalooyinkaasi ku soo dhaweeyey taageerayaal tiro badan oo ay ka go’an tahay sidii ay xisbiga iyo murrashaxiintiisa hiil iyo hooba ula garab geli lahaayeen.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay shacabka deegaannadan, ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay muujiyeen iyo lexejeclada ay tuseen inay u hayaan xisbiga KULMIYE.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories