HomeMurrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kulan Ballaadhan la qaatay Wakiillo iyo  Diblomaasiyiin ka...

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kulan Ballaadhan la qaatay Wakiillo iyo  Diblomaasiyiin ka socda Beesha Caalamka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubno safirro iyo diblomaasiyiin isugu jira oo ka socda Midowga reer Yurub iyo waddamo kale oo qaaradda Yurub ku yaalla, kuwaas oo Somaliland u yimi doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka Isniintii shalay.

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga ka tirsan oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno kale, ayaa kulankan oo ka qabsoomay Hutel Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta waxa uu la qaatay xubno safiirro iyo diblomaasiyiin isugu jirta oo ka socota dalalka Norway , Sweden, Belgium, Switzerland, Netherland, UK,  Denmark, Finland iyo xafiiska Midowga Yurub, waxaanay dhinacyadu kulankooda diirrada ku saareen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhawridda ama sugidda natiijada doorashada madaxtinimada dalka ka qabsoontay, aqballaadda natiijada la wada filayo iyo sidii loo bogaadin lahaa hannaankii anshaxa iyo ixtiraamku ku gedaanaa ee ay bulshada reer Somaliland u gashay doorashadii shalay dalka ka qabsoontay.

FDXubnaha safiirrada  iyo diblomaasiyiinta isugu jiraa waxay ku dheeraadeen qiimaha ay doorashadii dalka ka dhacday qaranka Somaliland u soo jiitay iyo sida ay kor ugu qaadday sumcaddii dalka, iyaga oo intaas ku daray in sugitaanka natiijada komishanka laga filayo iyo ku qancideeduba sii laban-laabi doonto karaamada shacabka iyo xukuumadda Somaliland.

DDDMurrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu si xeel-dheer uga xog-warramay safiirrada iyo diblomaasiyiinta ka socday dalalka Midowga Yurub iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Yurub inay murrashax ahaan ka go’antahay sii ambo-qaadista horumarka Somaliland ka jira iyo Dimuqraaddiyadda xawliga ku socota, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka dhursugo natiijada ku laalan dhinaca Komishanka qaranka, marka ay soo baxdana uu aqbali doono.

ffDiblomaasiyiinta iyo safiirrada, ayaa iyaguna dhinacooda si waafi ah murrashax uga mahadceliyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu dhinaciisa ka dhawro deggenaanshiyaha wadajirka bulshada reer Somailand, siina ambo-qaado horumarka dhinaca dimuqraaddiyadda ah ee Somaliland tusaalaha tolmoon ugu tahay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika iyo waddamo badan oo dunida kamid ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories