HomeMurrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Dareen-celiyey Cod-bixinta Doorashada Somaliland Kadib Markii uu...

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ka Dareen-celiyey Cod-bixinta Doorashada Somaliland Kadib Markii uu Codkiisa Bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Murrashax Muuse Biixi oo kormeeray goobaha codayntu ka socoto ee degmooyinka Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Murrashaxa jagada Madaxwenaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa codkiisa ka dhiibtay doorashada Madaxtooyada ee cod-bixinteeda shacabku u dareereen maanta.

Murrashax Muuse Biixi oo gudanaya xuquuqdiisa muwaadinimo ee distooriga ah waxa uu codkiisa ka dhiibtay goobta ay doorashadu ka dhacayso ee xarunta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda e caasimadda Hargeysa subaxii hore ee maanta.

muuseMd. Muuse Biixi oo markii uu bixiyey codkiisa warbaahinta kula hadlay barxadda guriga shaqaalaha dawladda, waxa uu ka dareen-celiyey codbixinta doorashada shacabka reer Somaliland u dareereen maanta, isla markaana waxa uu dardaaran culus u diray cod-bixiyayaasha.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland ee ku hawlan sidii ay madaxweyne cusub u dooran lahaayeen klu boorriyey inay si nabadgalyo ah u dhiibtaan codkooda, “Maanta anigu dadka waxaan la qaybsanayaa farxadda iyo dareenka sare ee cod-bixiyayaashu ay ku dooranayaan madaxdii dalka, dareenkayguna wuu wanaagsan yahay, dadka codaynayana aad iyo aad baan u hambalyeynayaa, waxaanan ku hambalyeynayaa dulqaadka, safka iyo taagan yihiin, cadceedda iyo sida ay u soo kallaheen, dhallinyarada shaqaynaysana aad baan u hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo uu si gaar ah u bogaadiyey ciidammada qalabka sida oo uu tilmaamay inay mudanyihiin in si gaar ah loogu mahadnaqo, maadaama oo ammaanka bulshada iyo midka doorashadaba ka masuul yihiin, waxaannu yidhi, “Ciidammada qalabka sida ee kala duwan ee ilaa xuduudaha ee kala duwan ee ilaa xuduudaha nabadda inoo xidhay ee goobaha inoo ilaalinayana aad baan u hambalyeynaya, Somaliland oo dhami way isku wada mahadnaqaysaa, Ilaahayna wanaag bay ka doonaysaa.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in si wadajir ah loogu hambalyeyn doono ciddii ay bulshadu u garato inay hoggaaminta qaranka ku guulaysato, waxaannu farta ku fiiqay inuu murrashax ahaan filayo inay bulshada codka ugu badan siiso, “Insha Allah waxaynu dooran doonaa madaxweyne cusub, saddex murrashax baana jooga, kii soo baxana waynu hambalyeynaynaa, anna waxaan is leeyahay codka ugu badan waad heli doontaa,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu kormeeray goobaha ay cod-bixinta doorashadu ka socoto ee qaybo ka mid ah degmooyinka kala duwan ee caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, waxana uu indhihiisa kusoo arkay shacabka ku dhaqan magaalada oo si hagar la’aan ah safafka ugu jira sidii ay u dooran lahaayeen madaxweyne cusub oo hoggaamiya qaranka shanta sanno ee soo socda.

Murrashax Muuse Biixi oo ay wehelinayaan xubno kooban oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, ayaa socdaalkooda indho-indhaynta ah ugu guurgalay sida ay codayntu u socoto, waxaannu masuuliyiinta iyo hawlwadeennada ka shaqaynaya goobaha uu maray kala sheekaystay habsami-u-socodka shaqada codbixinta a si meesha looga saaro wixii caqabado ah ee dib u dhigi kara xawaaraha loo qoondeeyey inuu muwaadin kastaa codkiisa ku dhiibto.

DAAWO MUUQAALKA CODAYNTA MURRASHAX MUUSE BIIXI

DAAWO MUUQAALKA KORMEERKA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories