HomeMurrashaxa KULMIYE oo Qaatay Kaadhkiisa Cod-bixinta, kana Hadlay Xisbiyada iyo Ujeeddada laga...

Murrashaxa KULMIYE oo Qaatay Kaadhkiisa Cod-bixinta, kana Hadlay Xisbiyada iyo Ujeeddada laga Leeyahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah uga qaatay kaadhkiisa codbixinta doorashooyinka xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda maanta.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay weheliyeen masuuliyiin, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo ka kala tirsan tirsan xisbiga iyo xukuumadda, ayaa markii uu qaatay kaadhkiisa kadib waxa hadal uu siiyey warbaahinta uu kaga hadlay muhiimada uu leeyahay kaadhka codbixintu iyo ujeedooyinka loo sameeyey nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland.

20156090_448007835562941_914250314092951276_nUgu horreyn, waxa uu farriin baaq u diray dhammaanba bulshoweynta reer Somaliland oo uu ku boorriyey inay qaataan kaadhadhka codbixinta, waxaannu yidhi, “Muddadii kaadh-qaadashada waxa ka hadhay toban casho, markaa dadweynaha waxaan ka codsanayaa inay kaadhadhka qaataan, waayo waa waajibaad muwaadinka lagu leeyahay inuu kaadhka qaato oo uu doorashada ka qaybqaato oo uu ka taliyo cidda dalka maamulaysa, waana xuquuq diini ah iyo mid distoori ah, haddii uu yidhaahdo dalka taladiisa ka qaybgeli maayana waxa uu la mid yahay qof maqan oo kale, markaa labada gobol ee ay ka socoto diiwaangelinta ee Maroodi-jeex iyo Togdheer dadku waa inay ku dadaalaan inay qaataan kaadhadhkooda, halkay ku ridayaan qor bay u yihiin oo dimuqraadi weeye dadku, xisbiyada waxaynu u samaysanay in qof waliba halka uu doorbido iyo qofka uu isagu la jeclaado inuu doorto xor buu u yahay, xisbiyada waxaynu u samaysanay in aynu kaga baxno qoqobnaanta, qabiilka iyo qof jeclaysiga, markaa dadku iyagoo xor ah oo sidii markay dhasheen Ilaahay xornimada u siiyey ee Ilaahay bani’aadamka u karaameeyey ah inay qaataan kaadhkooda oo qokay doonayaan iyo xisbigay doonayaan u codeeyaan.”

Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay xisbiyada Somaliland iyo ujeeddada loo sameeyey oo uu ku tilmaamay inay tahay sidii dalka iyo ummaddaba ugu horseedi lahaayeen horumar iyo barwaaqo, waxana uu bulshada ku adkeeyey inay danta guud muhiimad gaar ah siiyaan, “Waxaynu doonaynaa inaynu dalkeena nabad iyo horumar u samayno, doorashada iyo xisbiyadana ma rabno inay fadqalalo, colaad iyo fowdo naga galaan, annaguna waanu ku dardaaranynaa naftayada, dadka nagu taageersanna waanu dardaaraynaa, xisbiyada iyo dimuqraaddiyaddu waa inay horumar inoo keenaane maaha inay rabshad iyo buuq kale inoo keenaan, dadkana waxaan ka codsanayaa inay qaranimada ka hormariyaan qofnimada iyo shakhsigu waxa uu doonayo, haddii aynaan qaranka helinna qofkuna waxba heli maayo,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka ku adkeeyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii dalka loo horumarin lahaa, isla markaana loo gaadhi lahaa yoolka guud ee qarankani leeyahay, isaga oo umadda u rajeeyey guul waarta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories