HomeMurashaxiinta C/Qaadir Xasan Faarax Iyo Yurub Cabdi Abiib Soo Bandhigay cududa...

Murashaxiinta C/Qaadir Xasan Faarax Iyo Yurub Cabdi Abiib Soo Bandhigay cududa Taageereyaashooda Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Urur-siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa maanta maalintiisii labaad ee Ololaha doorashadda deegaanka  dhoolatusyo balaadhan ka sameeyay degmooyinka caasimadda Hargeysa oo dhan. Waxaana 25-ka Murashax ee Ururkaasi u soo xulay caasimadu ay si gooni gooni ah taageereyaashooda ugala hadleen xafiisyadooda.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka XAQSOOR ahna murashaxa jagada madaxweynaha Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay xafiiska Murashax Yurub Cabdi Abiib ee xaafadda Sheekh Muuse Ducaale ee degmada Axmed dhagax, ayaa si weyn ugu mahad celiyay taageereyaasha ururka XAQSOOR, waxaanu tilmaamay inay golaha deegaanka u soo sharaxeen 25 Murashax oo ay ku soo xusheen karti iyo aqoon. Waxaanu ka dalbaday inay codkooda siiyaan oo ay soo saaraan murashaxiinta ururkaasi.

blank“Walaalayaal aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinayaa sida dareenka leh ee aad ugu soo baxdeen murashax Yurub Cabdi Abiib iyo Ururka XAQSOOR oo isku lammaan. Waxaad saacado badan taagnaydeen bacadka waxaanan leeyahay ILAAHAY ha idinka abaal mariyo,”ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Guddoomiyaha XAQSOOR, waxa uu sheegay inuu u taagan yahay sugida ammaanka dalka iyo midnimadda shacbiga Somaliland.

 “Waxaanu Magaca Ururka XAQSOOR ugu bixinay oo xaqiiqo ah inaanu is tusnay haddii aanay   cadaaladi jirin inaanay nabadina jirayn. Sidaasi darteed, Ururka XAQSOOR waxa uu u taagan yahay sugida cadaaladda. Waxaanan leeyahay ILAAHAY baadilka ha inaga ilaaliyo oo xaqa ha ina garan siiyo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka XAQSOOR.

Guddoomiyaha XAQSOOR waxa uu baaq u diray shacbiga Somaliland oo dhan waxaanu yidhi “Waxaan taageereyaasha ururka iyo shacbiga guud ahaanba aan u soo jeedinayaa inay soo saaraan Ururka XAQSOOR Iyo murashaxiintiisaba si ururku uga mid noqdo sadexda xisbi qaran ee dalku yeelan doono.”

Guddoomiyaha XAQSOOR waxa uu tilmaamay in goobta qudha ee uu maanta ka qeyb galay ay tahay xafladan balaadhan ee ay qabsatay Murashax Yurub Cabdi Abiib.

blankSidoo kale, waxa halkaasi ka hadashay Murashax Yurub Cabdi Abiib oo ka mid ah 25-ka murashax ee Ururka XAQSOOR u soo sharaxay Golaha deegaanka waxaanay sheegtay inay dedaal u geli doonto sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshadda ee caasimadda Hargeysa haddii ay ku soo baxdo xubinimadda golaha deegaanka Hargeysa.

Waxa kale oo ay taageereyaasheeda ugu baaqday inay ururka XAQSOOR codkooda u hibeeyaan maalinta loo dareerayo codbixinta doorashada deegaanka oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 28-ka bishan November.

Dhinaca kale, Murashax C/Qaadir Xasan Faarax oo ka mid ah murashaxiinta ururka Xaqsoor uu u soo sharaxay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa  Boqolaal ka mid ah taageereyaashiisa khudbad uga jeediyay xafiis uu murashaxaasi ku leeyahay xaafadda Sh. Muuse Ducaale ee degmada Axmed Dhagax.

Murashax C/Qaadir Xasan Faarax, waxa uu sheegay inaanay xaafadda Sh. Muuse Ducaale (Isha-Boorame) aanay lahayn MCH iyo Garoomo ciyaareed, waxaanu u balan qaaday taageereyaashiisa haddii uu ku soo baxo inuu wax ka qaban doono adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan tahay guud ahaan caasimadda Hargeysa iyo degmadda Axmed-dhagaxba.

“Walaalayaal waxaan taageereyaasha sharafta leh ee u soo baxay taageeradayda aan uga mahad celinayaa saacadaha badan ee ay wakhtigooda qaaliga ah nooga soo jareen. Waxaan idiin sheegayaa inaan dawlada Hoose ee Hargeysa ka soo shaqaynayay muddo 17 sanadood ah, isla markaana aan khibrad u leeyahay qaabka iyo hanaanka ay u shaqayso dawladda Hoose,”ayuu yidhi Murashax C/Qaadir Xasan.

Murrashaxu waxa uu taageereyaashiisa ka dalbaday inay si weyn ugu soo baxaan maalinta codbixinta doorashada oo ay xafidaan lambarkiisa astaanta ah oo ah (705).

“Walaalayaal waxa kale oo aynu u halgamaynaa oo aynu u soo baxnay sidii ururka XAQSOOR  uu uga mid noqon lahaa sadexda xisbi qaran ee dalku yeelan doono marka la galo doorashadan deegaanka,”ayuu yidhi Murashax C/Qaadir Xasan Faarax.

Waxa halkaasi taageereyaasha Murashax C/Qaadir Xasan Faarax ay ku soo bandhigeen ciyaaro hido iyo dhaqan ah isla markaana waxay ku dhawaaqayeen hal-ku dhigyo ay ku taageerayeen murashaxaasi iyo urur siyaasadeedka XAQSOOR.

Sidoo kale, waxa uu murashax C/Qaadir Xasan Faarax kormeer ku soo maray xafiisyadiisa magaalada Hargeysa, waxaanu goob walba kula hadlay taageereyaashiisa oo soo buux dhaafiyay xafiisyadooda.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories