HomeMurashaxiin Cududda Taageerayaashooda ku soo bandhigay Gobollada Maroodijeex iyo Gabiley

Murashaxiin Cududda Taageerayaashooda ku soo bandhigay Gobollada Maroodijeex iyo Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Muaaradka ah ee Waddani abdiraxmaan Maxamed abdilaahi oo ay weheliyaan saddex murashax oo taageero miisaan leh ku leh gobollada Maroodijeex iyo Gabiley, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey degmada Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Murashaxiinta guddoomiyaha ku wehelinayey sodaalkiisa, ayaa kala ah Caydaruus Cabdisamad Muxumed oo u tartamaya golaha deegaanka degmada Hargeysa, Eng Axmed Cabdi Ibraahim oo u tartamaya golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex iyo Maxamed Cabdi Cabdilaahi oo isaguna u tartamaya golaha Deegaanka degmada Gabiley.

blankMurashaxiinta oo qayb ka ahaa Ololaha Murashaxiinta Xisbiga Waddani oo maanta soo gebo-gabeeyey Maalmaha ololaha saddexda Xisbi Qaran, waxa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay taageerayaashooda degmada Wajaale oo ku gaashaaman Calanka Xisbiga Waddani iyo Astaamaha Murashaxiinta.

Soo dhaweynta weftiga guddoomiyaha iyo murashaxiinta oo ahayd mid aan loo kala hadhin waxa qayb ka ahaa taageerayaal wata Fardo loogu gaashaamay Calanka Xisbiga iyo alanka Xisbiga Waddani.

Saddexda Murashax oo goob-fagaare ah kula hadlay taageerayaashooda, ayaa soo bandhigay barnaamijyadooda wax-qabad ee ay ka iibinayaan taageerayaasha oo ay Codsadeen inay codkooda siiyaan uguna hiiliyaan maalinta codaynta.

blank“Waxaan idinka mahad-naqaynaa soo-dhaweynta aad nagu qaabiisheen iyo sida aad qorraxda noogu xamisheen, waxaanu idinka Codsanaynaa inaad maalinta doorashada Codkiina na siisaan,” sidaas waxa yidhi Murashax Maxamed Cabdil Cabdilaahi.

Saddexda Murashax oo ku guda-jira olalahooda, ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanay taageeerayaashooda oo si diyaarsan isu soo abaabulay kulan ballaadhan kula qaateen garoonka Dhalinta ee xaafadda Jigjiga yar, halkaas oo ay iska soo buuxiyeen taageeraal tiro badan oo lulaya Astaamaha saddexda murashax iyo alanka Xisbiga Waddani.

Hadalladii Murashaxiintu ka jeediyeen munaasibadaha taageerayaashoodu ku qaabileen iyo jewigii soo-dhaweynta lagu qaabilay, kaga bogo muuqaalka Hoose

Caaqil Dayib Mowliid Axmed oo ugu horeyn hadal ka jeediyey madasha, ayaa taageerayaasha ku boorriyey inay Codkooda ku garan-istaagaan murashaxiinta oo ku tilmaamay inay yihiin kuwo dalka iyo dadkuba u baahan yahay.

Murashax Axmed Cabdi Ibraahim iyo Caydaruus Cabdisamad Muxumed oo gebo-gabadii hadallo ka jeediyey kulanka, ayaa mahad-naq ay taageerayaasha u jeediyeen kaddib, waxa ay ka Codsadeen inay Codkooda siiyaan, ku hubsadaan astaamha iyo Calaamadaha ay leeyihiin.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories