HomeMurashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ka Digay Burburinta Lagu Hayo Ganacsiga Suuqa...

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Ka Digay Burburinta Lagu Hayo Ganacsiga Suuqa Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag uga digay burburinta arxandarrada ah ee lagu hayo ganacsatada ku dhaqan suuqa hoose ee Magaalada Hargeysa, waxaanu soo jeediyay in  la soo saaro ganaax lagu xukumo cidda shuruucda ku tumata iyo in digniin la siiyo muwaadiniinta ka hor inta aan laga baabiinnin meheradahooda.

Sidaasna waxa uu ku sheegay baaq kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay bar-kulanka Facebook oo u dhignaa sidan “BAAQ KU SAABSAN GANACSIGA LAGA BURBURIYEY DADKA DANYARTA AH IYO WADHATADDA MAGAALADA HARGEYSA: Inkastoo ay hawshooda gudanayaan oo aan ixtiraam u hayo dawladda hoose ee Hargeysa iyo Ciidanka Booliska, haddana indhaha kama qarsan karno dhaawaca la gaadhsiinayo dadka dan’yarta ah ee ka ganacsadda suuqyadda magaaladda Hargeysa.

jamaalCaqliga suubani ma qaadan karayo marka ay Dawladda Hoose Iyo Ciidamadda Booliska Oo Cudud Ku Muquuniyaan Wadhatadii Hargeysa iyo khasaaraha Maalin Keli ah Ay soo Gaadhsiiyaan dadkaasi dan’yarta ah. Way dhici kartaa in ay qaar dhego-adaygaan laakiin yaan fadlan laga burburin inta yar ee ay isku keenkeenene waa in si kale loogaga wareego sidii bilicda magaaladda loo hagaajin lahaa. Fadliga bisha Ramadaan iyo dadkaasi danyarta ah ee ay naftu u geysay waa in il naxariis leh lagu eego arrimaha burburinta ganacsigoodana intaan la gudo gelin waa in laga fikiraa burburintuna aanay noqon falka ugu horeeya ee lagu kaco. Ganaax lacageed baa la sameyn karaa marka hore iyo digniino faro badan! Ilaahay kheyrka hayna waafajiyo”.’

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories