HomeMurashaxa Madaxweynaha UCID oo si adag u beeniyey War laga Baahiyey

Murashaxa Madaxweynaha UCID oo si adag u beeniyey War laga Baahiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murrashaxa madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa beeniyay war Wargeyska Jamhuuriya ku sheegay in masuuliyiinta xisbigaasi muujiyeen quus siyaasadeed.

blankJamaal Cali Xuseen oo maanta warsaxaafadeed kooban arrintan kaga jawaabay ayaa waxaa uu tilmaamay in Wargeysku qaab aan habooneyn u turjumay khudbad uu jeediyay. Waxaana uu yidhi. “Aniga oo ka jawaabaya Warkii ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Cadadkiisi maanta 4972 ee ciwaankiisu ahaa ‘Masuulyiinta Sare ee UCID oo ku tiraabay Weedho Xanaf leh,Quus Siyaasadeedna ka Muuqdaan’ oo ay ku xuseen Aniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga. waxaan cadeynayaa in aan warkaasi sal iyo raad-toona lahayn. Waxaa la hayaa warkayagii isaga oo duuban oo muuqaal ah. dhamaan Jariidadaha kale ee soo baxay sida Geeska Afrikca, Hubaal,Haatuf iyo kuwa kalleba dhamaantood sidii caadiga ahayd ayay u soo qoreen, laakiin Wargeyska Jamhuuriya waxa uu ka leexday xaqiiqadii. Aad ayaanan ula yaabnay warka noocaas oo kale ah ee ay soo daabacday. Waan ogaa Wargeyska Jamhuuriya inuu Xisbiga KULMIYE lug ku leeyahay oo uu Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf hore tifaftire uga ahaa uuna ka midyahay mulkiilayaasha, sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha dibadda  Faysal Cali Sheekh ayaa ka mid ah mulkiilayaasha. Laakiin, marna ismaan lahayn Wargeyska Jamhuuriya war xaqiiqada ka fog oo been abuur ah ayuu soo daabacayaa. Waxay qoreen in aan idhi haddii Xisbiga UCID dhaco dagaal sokeeye ayaa dhacaya xaasha afkaygii maaha mana odhan. Sidaa daradeed Wargeyska Jamhuuriya waxa uu doonayay inay warkaasi umadda ku marin-habaabiyaan una tusaan inay Xisbiga UCID doonayaan inay dagaal sokeeye bilaabaan, annagu dagaal sokeeye bilaabi mayno, annagu waxaanu ku hadlaynaa isku kalsooni. iyada oo ay yaraatay inuu imika Mucaarid-ba jiro. Ta kale, Anigu waxaan uga digayay cadaalad-darada imika jirta ee doorashooyinka ka jirta ee waddanka ka jirta haddii ay sii socoto oo ay qabyaaladani sii fogaato oo maalin-walba reer hebel iyo reer hebel TV-ga la soo istaagaan oo ay dadkii Muqdisho ku sii socdaan wax baddan ayaa dhici kara ayaan idhi.

Markaa Anigu Wargeyska Jamhuuriya iyo shaqaalahooda midna ama heysto, laakiin raga aan anigu heystaa waxa weeyaan nimanka hantiilayaasha Wargeyska ah sida Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Iyo Agaasimaha Wasaarada arrimaha dibada Faysal Cali Sheekh oo waxaan leeyahay saxaafada magaca ha ka dilina oo Wargeyska Jamhuuriya waa wargeys weyn oo uu Maxamuud Cabdi Shide asaasay, Xitaa dhan-xiirkii oo dhex-dhexaad ahaan jirey doorkan waa la KULMIY-eeyey oo waxaa loogu talogalay in aniga sumcad daro la igu sameeyo oo la yidhaahdo ninkii aqoonyahanka ahaa ayaa dalka dagaal ka bilaabaya, anigu  dagaal ooge ma ahi ee waxaan ahay  Qalin ku dirir, qorina ma qaato, taas ayaan doonayey inaan umadda Somaliland u cadeeyo inaanu annagu wanaaga iyo horumarka dalka iyo dadka doonayno, Xukuumaddana waxaan leeyahay waa doorashadii ugu horeysay ee aad qabataan ee dimuqraadiyada ha afduubina oo ha odhanina cidda aanu doonayno ayaanu soo saareynaa cidda aanu doonaynana waanu reebaynaa, taasna cid idinka yeelaysaa reer Somaliland ma jirto annaguna aqbali-mayno hadaanu cadaalad darro aragno. Midda kale, waxaan leeyahay Jiib noom taani, khuuro kale keena oo wixii UDUB barigii aad mucaaradka ahaydeen ay idinku eedayn jirtay ha daba-gelina’e, arrin kale, oo dadku dhagaysan karro keena.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories