HomeMurashaxa KULMIYE oo dardaaran Qarannimo Faray Muraaqibiinta Xisbiga Oo uu kula dardaarmay...

Murashaxa KULMIYE oo dardaaran Qarannimo Faray Muraaqibiinta Xisbiga Oo uu kula dardaarmay inay Sharciga dhowraan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE, ahna Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dardaaran qarannimo faray muraaqibiinta xisbiga ula socon doona sida u qabsoomayso doorashada Madaxtooyada ee u astaysan 13-ka bishan November.

FB_IMG_1510173546194Murrashax Muuse Biixi waxa uu ku adkeeyay muraaqibiinta inay sharciga illaaliyaan, isla markaana bartaan wuxuu muraaqibku xaq u leeyahay ee ay shaqadiisu tahay iyo waxaanu sharciyan xaq u siinin, taasoo uu sheegay in ay tahay sida qudha ee qaranku ku gaadhi karo guusha loo socod oo ah in doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto dalka.

FB_IMG_1510173564749Md. Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey goobo lagu tababarayey muraaqibiinta xisbiga ee doorashada maanta, waxa uu intaasi raaciyay inaanay muraaqibnimadu ahayn wax hawl yar ee ay tahay taariikh qarankan loo galayo, waxaannu u soo jeediyay inay masuuliyad iska saaran hawshaasi loo igmaday ee ay qaranka u qabanayaan, maadaama ay yihiin fcidda awoodda ugu badani dusha ka fuulayso.

FB_IMG_1510173561699“Muraaqibku hawl yar maaha ee waa taariikh aad qarankan u galaysaan wax alla iyo wixii la soo tabcaayay, guddoomiyayaashi tartamayey wixii ay buuqayeen, wixii baabuur la fuulayey wixii calan la lulayay wixii sharci la soo saaray, wixii Komishanku dadaalayeen boqolaalkii digreeto ee madaxweynuhu soo saaray, wixii millatariga loo kicinayey waxay ku soo urureen warqadaa yar ee sanduuqa ah, markaa ma sahlana masuuliyadda aad qaadaysaane ogaada,” ayuu yidhi.
Murrashax Muuse Biixi waxa uu xusay in cidda soo saaraysa Madaxweynaha qarankan hoggaamin doona mustaqbalka ay muraaqibiintu qayb ka yihiin, sidaasi darteedna waxa uuu kula dardaarmay in sida keliya ee ay taa ku sixi karaan tahay iyaga oo barta xeerka iyo anshaxa muraaqibnimada, waxaannu yidhi, “Qaranka maalinba cid ayey masuuliyaddiisu fuusha mar waa madaxweynaha, mar doorasho ayaa la gelaya waa Komishanka, haddana waxa la yidhi saddexda nin ee jagada madaxweynaha u tartamaya wax walba ha joojiyaan oo ha dulqaataan, imikana way soo dhaaftay oo waxay mareysaa dhawr qof oo qolka codaynta isugu tagaya, kana kooban qaranka oo dhan, dawladda, ciidamada, Komishanka iyo xisbiyadda siyaasadda, dhawr qof oo intaa ka kooban iyo goob-joogayaal ajaanib iyo Somalilander-ba isugu jira, goob-joogayaashu masuuliyad sidaas ahi ma fuulayso, laakiin intiina kale ayey awooddu fuulaysa oo soo saaraya madaxweynihii qarankan hoggaamin lahaa, waayo halkaasi wixii lagu tiriyo ee aad ku heshiisaan ayaa madaxweynaha soo saaraya, taasina waxa keliya ee aad kaga bixi kartaan waa idinka oo barta xeerka iyo anshaxa doorashooyinka, gaar ahaan awoodda muraaqibka maxaa loo ogol yahay, muxuu awood leeyahay? Maxaannu awood u lahayn intaasi haddii aad fahantaan waad shaqayn karaysaan, haddii kale hawshii ayaa dayacmaysaa haddii hawshii dayac noqotana sharciyaddii qaranka oo dhan ayaa qaldamaysa, waana saddex qodob inaad si wanaagsan u fahantaan ayaa wanaagsan, hadhawna si dhiiran oo sharciga waafaqsan u gudataan hawshiina.”

FB_IMG_1510173550376Waxa kaloo uu kala dardaarmay qaabka ay ula soconayaan dad cillado leh oo ka soo baxay diiwaangelintii la sameeyey ee kaadhadhkeeda lagu codaynayo, “Dadka idiin iman doona dhawr nooc ayey noqon doonaan, waxa jira dad aanay sawirkooda ishu qaban kareyn, dadkaasi waxa la siiyay shahaadooyin, inay meeshi yimaadeen xaqna u leeyihiin inay codeeyaan hase ahaatee Kombituurkani idhahooda sawiri waayay, waxaana loo tirinayaa una badan yihiin dadka buuraleyda ku nool, Hargeysa ka mid ah oo ugu badan, dadka qaar ayaa laga yaaba inaanay waraaq aan jirin ay kula soo baxaan markaa waxa muhiima ah in la hubiyo inay tahay warqadii uu Komishanku saxeexay iyo in kale, teeda kale inaad hubisaan liiska dadku ku jiro in qofkani ku jiro oo aannu ahayn qof liiskan ka baxsan, haddaad waxba garanwaydo qofka keliya ee wax dacwayn karaa waa muraaqibka, hase ahaate waa in qofkaasi uu yaqaana waxa uu ku soo dacwoonayo, haddaad qodobada baal martaan waa hadal-tiro ee waxaagu dacwad maaha.
FB_IMG_1510173554629Muraaqibiintu agabka ayey ka mid yihiin oo waan gaajooday iyo gaadhigiiba xumaaday toona ma leh ee idinka iyo sanduuqu waad iska laaladaysaan uun, waayo markhaatiga keliya ee bahalka ilaalinaya ee inuu sidii loogu talogalay u socdo wada waa caddaaladdii, waajibaadkaaga waxa ka mid ah haddii aad garanwaydaan marka ay wax socdaan inaad u sheegi kartaan Komishanka,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.

FB_IMG_1510173558760

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories