HomeMurashax Xaashi Oo Bandhigay Qorshaha Ururka Xaqsoor Ee Golaha Deegaanka Hargeysa

Murashax Xaashi Oo Bandhigay Qorshaha Ururka Xaqsoor Ee Golaha Deegaanka Hargeysa

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Urur Siyaasaddeedka Xaqsoor oo ka mid ah todobada Urur Siyaasaddeed ee ku tartamaya doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland ayay maanta taagerayaashiisu isugu soo baxeen ololaha doorashada oo kaltankiiku ku beegnaa.

Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Caasimadda Hargeysa ayaa waxa isugu baxay taageerayaal tiro badan oo ruxayay calanka Ururka Xaqsoor, isla markaana sitay sawirrada shan iyo labaatanka musharax ee golaha deegaanka Hargeysa uga sharaxan, iyadoo ay ka qaybgaleen isu soo baxaas masuuliyiinta Ururkaas oo uu horkacayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo musharaxiinta golaha deegaanka ee Caasimadda.

blankEng. Xaashi Cumar Cige oo ka mid ah murashaxiinta ururka Xaqsoor uga sharaxan Hargeysa, islamarkaana fagaaraha khudbad la xidhiidha qorshayaashiisa ka jeediyay ayaa si weyn ugu soo bandhigey aqoonta, khibrada iyo ku-talogalka howsha ummadu ka  filaneyso marka guusha la gaadho. Eng. Xaashi waxaa uu si weyn u qeexay qorshaha siyaasadeed ee ururkiisa Xaqsoor ay isla qaateen kuna aadan mustaqbalka iyo xarunta golaha deegaanka caasimada Hargeysa. Qorshahaasi oo isaga oo nashqadeysan uu soo bandhigey Ing. Xaashi Cumar Cige. Khudbadiisana salaan iyo mahadnaq uu taageerayaasha iyo madaxda ururka u gudbiyey ka dib, Waxaa uu Eng. Xaashi ku bilaabay sidan.“Ururka Xaqsoor waxaa uu leeyahay qorshe iyo siyaasad cad oo heer caasimadeed ah looguna talo-galey meelmarinta waxqabad dhab oo caasimada Hargeysa hesho”. “ Qorshe waxqabasho iyo adeeg hufnaan wata ayaa wax suurto-geliya ee qof keliya ahi wax ma qabto”. “ Haddaan u daadego dulucda hadalka, “haddii aanu nahey xildhibaanada 25 ah ee ururka waxaanu ka bilaabi doonaa hirgelinta dhisme caasimada Hargeysa hesho”. Waana midkaasi aad halkakan ku aragtaan”. Eng. Xaashi waa sii watey hadalkiisa waxaanu yidhi “ Suurto-gal ma aha in aynu manta ku shaqeyno afartii qol ee Ingiriisku sannadii 1958 Hargeysa oo 4000 oo qof ku noolaayeen sameeyay, balse maanta ay ku noolyihiin hal malyuun oo qof. Dhismahaasi waa midka aynu u sameyn doono dowlada hoose ee Hargeysa, waana mid aynu la wadaagno caasimadaha dunida kale, kuwa Africa iyo kuwa dowladaha hoose ee jaarkeena geeska afrika. Waa qorshaa koowaad ee aanu sameyn doono”.

blankEng. Xaashi Cumar Cige waa uu sii watey hadalkiisa oo wuxuu yidhi.“Waxaa ku xiga oo qorshaha labaad ah oo ah hirgelinta maamul dhisan oo tayo leh”. Qorshaha saddexaad waxaa weeye “Suuqyo ganacsi oo dadka danyartu ku ganacsan doonaan”.    Qorshaha afraad waxaa uu noqon doonaa “Hirgelinta dhismayaal dadka danyarta ee barakacayaasha dhamaan xaafadaha Hargeysa; State house, Birjeex, Stadium, Jameeco-weyn, Jarato, Jungal, Sheedaha, iyo dhamaan xaafadaha magaaladeena Caasimada Hargeysa”. “ Waxaanu ku xigsiin doonaa dhismayaasha heer caalami ee wadooyinka, biyo-mareenada, jardiinooyinka, biriishyada, ee magaalooyinkeena heer dhismayaasha xafiisyada ee degmooyinka caasimada laga maamulo”. Isaga oo Eng. Xaashi sii wata hadalkiisa waxaa uu yidhi “Waxaanu ku xigsiin doonaa in aanu caasimada u sameyno saaxiibo dhow ee caasimadaha IGAD ee jaarkeena oo ay kow ka tahey Djibuuti iyo caasimadaha koraya ee Addis-ababa, Nairobi, Kampala iyo mida koonfurta Suudaan ee Juba oo si weyn la inooga jecel yahey”

Eng. Xaashi waxaa uu hadalkiisa ku soo gebo-gabeeyey “Waxaanu keeni doonaa halyeyo waa weyn una dhashey gobolkan caasimadu ka mid tahe ee Hargeysa sida halyeyga weyn ee caanka ah ee Mo Farah oo aad wada garaneysaan”. Eng. Xaashi waxaa uu yidhi dhamaadkii hadalkiisa “ururka Xaqsoor waxaa uu leeyahey barnaamijyo heer qaran, gobol, iyo mid heer degmo ah Waxaa kow ka ah in dalkani loo helo ictiraaf, in loo sameeyo qorshe horumarineed, iyo in loo sameeyo saaxiibo uu yeesho. Waad mahadsan tihiin taageerayaasha 25 murashax ee reer Xaqsoor.”

Somaliland Post/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories