HomeMurashax Isbeddel doon Qunyar-socod ah oo ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimada Dalka Iran

Murashax Isbeddel doon Qunyar-socod ah oo ku Guuleystay Doorashada Madaxtinimada Dalka Iran

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Tehran, 16 June, 2013 (Ogaal)- Murashax Qunyar socod ah laguna tilmaamo in siyaasaddiisu dhex-dhexaad tahay, ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada Maalintii Jimcaha looga dareeray waddanka Iran.

Hassan RohaniXasan Rooxaani oo ah wadaad siyaasaddiisu dhex-dhexaad tahay isla markaana isbeddel doon ah, ayaa helay codad ka badan 50%, taas oo meesha ka saartay wareeg labaad oo doorashada lagu celiyo, waxaana codadka ugu dhow helay Maayarkii hore ee magaalada Tehran, Maxamed Baqir Qalibaf oo haysta 5,073,652 oo cod.

Murashaxa kaalinta Saddexaad ku jira oo ah xoghayihii Guud ee Golaha Sare ee Badbaada Iran isla markaana ahaa ninkii dalkaas u qaabilsanaa wada-xaajoodka hubka Nukliyeerka Siciid Jaliili, ayaa haysta 3,665,234 milyan oo Cod.

Doorashada madaxtinimada dalka Iran oo ay ku loolamayeen Lix Murashax, ayaa shacbiga dalkaasi si xoog leh uga qayb-qaateen, iyada oo ay codadkooda dhiibteen 72.2% ka mid ah dadka xaqa u leh inay codeeyaan oo ka badan 50 milyan oo Muwaadin, waxaanay noqonaysaa doorashadii 11aad ee lagu doorto madaxweynaha dalkaas hoggaamin doona afarta sanno ee soo socota.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka dalka Iran, waxa natiijada ku dhawaaqay wasiirka Arrimaha Gudaha Mustafa Maxamed Najir oo sheegay in Mr Rouhani ku guuleystay codad gaadhaya 18,613,329 Milyan oo ka mid ah 36,704,156 milyan oo ah tirada codadka ay shacabka dalkaasi ka dhiibteen 52,424 goobood, taas oo boqolkiiba 50.68% ka noqonaysa codadkaas guud.

Saraakiisha doorashada ee dalka Iran, ayaa sheegay inay hadhsan yihiin tirinta codadka 6,340 goob-doorasho, taas oo ka dhigaysa in codadka natiijadani guushani ku salaysan tahay la tiriyey Boqolkiiba 89, waxaana la filayaa inaanay wax badan iska beddeli doonin natiijada la hayo.

Xasan Rohani ayaa ka mid ahaa lix musharax oo shalay dadka Iran codkooda ku kala saarayeen, waxaanu ahaa musharaxa keliya ee aaminsan in dalka Iran isbeddel lagu sameeyo gaar ahaan in la hagaajiyo xidhiidhka reer galbeedka iyo Iran, in kasta oo aanu Xassan Rohani waxba ka beddeli karin Arrimaha Nukliyeerka dalkaas oo ay go’aan ka gaadhistiisa iska leeyihiin Golaha Sare ee uu madaxda u yahay Aayotallah Khumeini.

Xasan Rohani ayaa jagada madaxtnimada dalka Iran uga dambaynaya Madaxweynaha Xilka ka sii degaya Maxamuud Axmedinajad oo muddo Siddeed sanno ah ka talinayay waddankaas oo uu laba jeer u tartamay doorashada madaxtinimada, in kasta oo natiijada guusha doorashadiisii u dambaysay lagu murmay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories