HomeMurashax Cirro Oo Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Ugu Baaqay Dibed-baxyo aan Qorsheysnayn

Murashax Cirro Oo Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Ugu Baaqay Dibed-baxyo aan Qorsheysnayn

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Gobollada dalka oo dhami ay samayn doonaan Banaan-baxyo uu sheegay in lagu diiddan yahay qorshaha furista Ururrada Siyaasadda, laguna dalbanayo in doorashada Madaxtooyada lagu qabto wakhtigeeda.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxaamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta  Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu burburiyey Wada-hadalladii u socday Xisbiyada Mucaaradka ah iyo isaga ee la doonayey in xal loogu raadiyo khilaafka ka taagan doorashooyinka Furista Ururrada siyaasadda iyo ta Madaxtooyada ta soo horraynaysa.

Cirro wuxuu sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay qaadi doonaan Tallaabooyin waaweyn oo u qorshaysan, si ay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha Furista Ururrada siyaasadda iyo in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda la dhaafiyo, qorsheyaashaasna uu ugu horreeyo Mudaharaaddo Salmi ah oo taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradku ka samayn doonaan Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, si Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi loogu cadaadiyo inay qorshaheeda ka noqoto.

Musharrax Cirro oo farriin u diraya Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Gobollada iyo Degmooyinka dalku wuxuu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaadhan oo qorshaysan ugu diyaargaroobaan in dib loo bilaabi doono bannaan-baxyadii nabadeed”.

Musharrax Cirro waxa uu ku hanjabay in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay aqoonsiga kala noqon doonaan Madaxweyne Muuse Biixi, haddii uu ku dhaqaaqo waxa uu ugu yeedhay sharci-darro isla-markaana aanu doorashada Madaxtooyada xilligeeda ku qabanin.

“Muusoow, Marka la gaadho 13 November, haddii aan dooraaho qabsoomin kursiga (Madaxweyne-nimo) wuu inoo siman yahay,” ayuu yidhi Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cirro waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu ka baxay ‘ballamo uu horay u qaaday’ oo uu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen in uu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, iyo in uu dhagaysan doono talada waxgaradka, waxaanu ku dooday inay dhinacooda sameeyeen wax kasta oo ay u arkayeen in khilaafka lagu dhamayn karo.

Marka laga yimaaddo eedaymaha Murashax Cabdiraxmaan Cirro, haddana madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay doorashada madaxtooyada ku qabanayaan wakhtigeeda oo ku muddaysan bisha November 2022, balse ay ka soo horeyso doorashada ururrada Siyaasadda, taas oo ah arrinka ugu weyn ee khilaafku ka taagan yahay isla markaana xisbiyada mucaaradku aanay oggolayn.

Hadalka ka soo yeedhay murashax Cirro ayaa noqonaya markii labaad uu ee taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqo bannaan-baxyo ka arradan qorshe muuqda oo feker ahaan ay ku midaysan yihiin hoggaanka xisbiyada mucaaradka iyo taageerayaashoodu, balse ay dad badani u arkaan tallaabo ka duulaysa rabitaanka Shaqsiyaadka hoggaanka u haya Axsaabta Mucaaradka oo sharci ahaan ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hore ugu gacan-saydhay codsi xisbiyada mucaaradku ku dalbadeen qabsoomidda bannaan-baxyo ay dareenkooda ku muujinayaan, kaas oo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah.

Bannaan-bax ka soo hor-dhacay wakhtigii ay xisbiyada mucaaradka oo iska indho-tiray go’aanka xukuumadda ay badhtamaha Hargeysa ka dhigeen bishii June ee sannadkan, ayaa sababay dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay taageerayaasha xisbiyada Mucaaradka iyo ciidammada Booliska ee rabshadaha ka hortaga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories