HomeMuranka Sharci Ee Faysal & Jamaal Garyaqaan Ayaanle M Cige

Muranka Sharci Ee Faysal & Jamaal Garyaqaan Ayaanle M Cige

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muranka Sharci Ee U Dhaxeeya Jamaal Cali Xuseen iyo Eng Faysal Cali Waraabe waa mid si dhib yar loo xalin karo waayo Qodobka lagu muransan yahay ee ah Musharaximada Jamaal Cali Xuseen maaha mid u baahan in Maxakamad la horgeeyo ee waa mid u baahan 2ba Cadaymood oo kaliya.

1

Hadii aan idiin iftiimiyo Barta muranka ee labada dhinac oo ah musharaxnimada jamaal Cali Xuseen sharci ma tahay mise maaha.

Qod 1aad: Dooda afeedka faysal Cali waraabe waxay tahay:-
1. jamaal cali xuseen maaha musharaxaha rasmiga ee xisbiga Ucid waayo wakhtigii la doortay Xisbigu muu ahayn Xisbi ee wuxuu ahaa Urur , Ururna Musharax ma dooran karo.

2. musharxnimada jamaal cali xuseen maaha mid ay ku qanacsan yihiin Golaha dhexe ee Xisbiga Ucid wakhti xaadirkan waayo mudadaa Dheer 3.5sano la muu iman siyaasad qancisa G.Dhexe Ee Xisbiga
3. Waxa kale oo faysal ku doodayaa wakhtigii la doortay Jamaal cali xuseen waa mid dhamaaday oo u baahan in dib loo doorto.

Sadexdaa Qodob ayaa ugu muhiimsan Dood afeedka Gudoomiyaha Xisbiga Ucid waxaanu Soo Mariyey Saxaafada oo laga wada dheehday.

Qod 2aad: Dooda Afeedka Musharax Jamaal Cali Xuseen:-
1. Waxaan ahay Musharax si Sharciya ay usoo doorteen Golaha dhexe Ee Xisbiga Ucid waxaanan haystaa (Legal Docoment) Qoraal sharci ah oo ay ku cadahay Doorashada Musharaxnimadaydu. waxaana laga heli karaa dhamaan hay.adaha kala duwan ee qaranka inta ay khusayso.
2. Aniga (Jamaal Cali xuseen ) wakhtigii Xisbiga Ucid i Doortay waxa ahaa Xisbi waayo Xisbiga Ucid marna muu noqon Urur , wakhgii Doorashada Golaha Deeganka way kala Cadaayeen Xisbiyadii iyo Ururadii Tartamaayey waxaana ay kala lahaayeen ba Shuruudo gaar ah sida In la bixiyo Lacagta Diiwangalinta Ururka iyo Boqolka Qof ee Madax taabashada ahayd ee ururadu soo mareen kuwaas oo ahaa astaamihii ururada oo aanu Xisbiga Ucid marnaba ka qayb Qaadan.

3. Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaan la tiigsan doona Sharciga si layga Qabto oo Sharciga naloo wada mariyo.

Sedexdaa Qodob ayaa ugu mihiimsansan dood afeedka Musharaxaha Xisbiga Ucid Ee Jamaal Cali Xuseen.

Hadaba marakaynu Eegno Dood afeedyada labada dhinac oo u baahan in si Cadaana oo Xoog ah loo Baadho ‘ hadana waxa meesha yaala uun in Laba qodob uun la Cadeeyo Si Umada loo tuso dhanka Khaldan Ee dhabada Xisbiga ka leexday Waxaana aynu ka dharagsanahay Qodobka ugu adag meesha yaala uu yahay Sharci Nimada Doorashada Jamaal Cali Xuseen waxaanay kala yihiin:-
1. Wakhtigii Xisbiga Ucid uu Maraayey Doorashadii Asxaabta ee 2012 kii Komishanka Doorashooyinku ma waxa uu u diiwan galiyey Xisbi ahaan Mise Urur ahaan.? Waxaana laga cadayn kara Komishanka Doorashooyinka oo faya faylkii Xisbiga ee Wakhtigaas. 2. Golaha dhexe Xisbiga Ucid markuu jamaal Cali xuseen Dooranaayey ma waxa doortay Wakhti Cayiman Mise In uu Xisbiga Matalo Doorashooyinka Soo socda Wakhti ay ahaadanba.? Waxaana cadayn kara Golaha Dhexe Xisbiga Ucid. Hadii labadan Qodob Jawaabo saxa Loo Helo waxa dhibyaraanaysa in Umada iyo Taagerayaasha Xisbiguba si dhib yar u kala saaran.

Garyaqaan Ayaanle Maxamed Cige

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories