HomeMuqdisho: Wararkii u dambeeyey Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay iyo Tirada...

Muqdisho: Wararkii u dambeeyey Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay iyo Tirada Dhimashada oo 100 qof Maraysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee maanta lagu qaaday Bar kaantarool oo ay ciidamada Waaxda canshuuraha ee dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Isgoyska Ex-Kootarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

blankWeerarka oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh sababo la xidhiidha goobta uu qaraxu ka dhacay oo waqtigaa ahayd mid aad u mashquul ah oo ay ku sugnaayeen gaadiidka dadweynaha oo qaarkood goobta la weerarray u tagay in ay ka goostaan warqado sharci ah oo ay jidadka ku maraan iyadoo sidoo kale ahayd xilli ay dugsiyada u sii dareerayaan arday aadayey goobaha waxbarashada.

Tirada Dhimashada ayaa sii korodhay sida ay sheegeen saraakiisha ka hawl-gala goobaha caafimaadka ee meydadka iyo dhaawacyada la geeyey, waxaanay dhimashadu hadda maraysaa ilaa 100 qof.

Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta aanay Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaadhay Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday weerarka oo lagu tilmaamay inuu ka mid yahay weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha………

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories