HomeMuqdisho: Warar Dheeraad ah oo laga helay Diyaarad Lacag Malaayiin Dollar ah...

Muqdisho: Warar Dheeraad ah oo laga helay Diyaarad Lacag Malaayiin Dollar ah sidday oo la Qabtay iyo Cidda ay u socotay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Hawl-wadeennada madaarka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay lacag Malaayiin Dollar ah oo ay siteen dibloomasiyiin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Lacagta oo Qaddarkeeda lagu sheegay $9,600,0000 (Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar) oo ku jirtay Boorso nooca Dharka lagu qaato, ayaa saarnayd diyaarad laga leeyahay isla markaana ay saarnaayeen dibloomaasiyiin u dhashay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

lacgtaLacagtan ayaa la ogaaday kaddib markii tuhun ka dhashay baadhitaan lagu samayn lahaa diyaaradda oo ay horjoogsadeen dibloomaasiyiin ka tirsan safaaradda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo sida la sheegay ku dooday inay leeyihiin xasaanad sidaa awgeedna aan la baadhi Karin diyaaradda iyo waxa ay siddo, taasina ay markii dambe sababtay baadhitaanka lagu ogaaday lacagtan, sida ay baahisay HOL oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ay ka heshay shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jiraan xogo intaas dhaafsiisan oo faahfaahin ka bixinaya halka ay ku dambaysay lacagtan, haseyeeshee warar kale ayaa sheegaya in lacagtani u socotay Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Mushahar iyo taageero dhaqaale ka hela dowladda Imaaraadka Carabta oo tabobar siisa Ciidamada dalkaas.

Sida ku cad waraaq ay heshay wabaaintu oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha Ciidammada Xoogga Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod), taas oo uu maamulka madaarka kaga dalbanayo inay Saraakiisha tabobarka Ciidamada u ogolaadaan una soo daayaan lacag ay kala baxayaan madaarka, isagoo lacagtaas ku sheegay inay tahay Mushaharka iyo Raashinka Ciidamada.

Lacagtan iyo tuhunkeeda ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu jaah-wareer siyaasadeed ka jiro Soomaaliya, gaar ahaan muranka ka taagan mooshinka xilka lagaga xayuubinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay siyaasadda isku hayaan Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha Soomaaliya oo isku dhinac ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories