HomeMuqdisho: Shir-guddoonka Baarlamanka oo Qaaddacay in la horkeeno Mooshinka Wada-hadalladii Somaliland iyo...

Muqdisho: Shir-guddoonka Baarlamanka oo Qaaddacay in la horkeeno Mooshinka Wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Shir-guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku gacan-saydhay in baarlamanku dood ka galo mooshin ku aaddan heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland oo xildhibaannada qaarkood wateen, iyagoo sheegay in mooshinkaas uu ka horimanayo Dastuurka dalkaas.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka SoomaaliyaKulan baarlamaanka Soomaaliya  maanta yeeshay xildhibaannadii uu hoggaaminyey Cali Khaliif Galleydh ee mooshinka dabada ka riixayey u gudbiyeen shir-gudoonka, ayaa go’aanka baarlamanku arrintaas ka qaadanayo mudaneyaasha ka horsheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, oo xusay in xildhibaannadu ay dalban karaan in dadkii ka qaybgalay ay horyimaadaan baarlamaanka, balse aan heshiiskaas laga hadli karin. “Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii November 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yidhi Cawad.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaanay ka doodi karin war-murtiyeedkii ama heshiiskiii kasoo baxay shirkii Somalia iyo Somaliland, wuxuuna xusay in xukuumadu ay xor u tahay inay ku matasho Soomaaliya arrimaha siyaasadda. “Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma aha mid sharciga waafaqsan, sidaa daraadeed lagagama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeedhaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay Shirkaas si aad su’aalo u weydiisaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Go’aanka ayaa imanaya kadib markii xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay dhawaan u gudbiyeen ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray Soomaaliya iyo Somailand, kaas oo ahaa mid iskaashi oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la wadaago deeqaha dibadda laga helo iyo ka shaqeynta ammaanka.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas, haseyeeshee waxa aan meesha ka madhneyn Qodob ku jiray wada-hadallada labada dhinac oo tilmaamayey inaanu dhinacna ku kicin tallaabo carqalad ku noqon karta wada-hadallada.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories