HomeMuqdisho: Qarax Axmaqnimo ah oo galaaftay nolosha 100 qof oo arday u...

Muqdisho: Qarax Axmaqnimo ah oo galaaftay nolosha 100 qof oo arday u badan (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho, (SLpost)– Qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday baabuur nooc xamuulka ah ayaa maanta lala beegsaday goob ay u badan yihiin hay’adaha dawladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Goobta Qaraxu ka dhacay oo hore u ahaan jirtay xaruntii Hargaha iyo Saamaha ee Soomaaliya, waxa ku sugnaa arday sugaysay natiijada Imtixaan laga qaaday iyaga oo wakhtigaas ku sugnaa wasaaradda Waxbarashada oo ka mid ah wasaaradaha halkaasi degenaa, waxaana ardaydaas la xasuuqay qaarkood ay halkaas u tageen imtixaan ay u galayeen deeq waxbarasho oo laga helay dowlada Turkiga, qaarkoodna waxay soo eeganayeen natiijooyinka imtixaan horey looga qaaday.

Qaraxa MuqdishoBaabuurka qaraxa loo adeegsaday oo lagu sheegay inuu ahaa nooca waaweyn ee loo yaqaano UD waxa uu qaraxiisu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur dhismayaal, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso 100 qof halka tiro intaa ka badanna dhaawacooda la geeyey cusbitaallada magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Qaraxa Muqdisho (3)Haddaba, waxaa soo baxaya Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Ex-xaruntii wakaaladda hargaha iyo saamaha oo ku taala inta u dhexeysa labada isgoys ee KM4 iyo Zoope ee magaalada Muqdisho halkaasoo xafiisyo ay u ahaaayeen todoba wasaaradood oo ka tirsan wasaaradaha dowlada KMG Somalia ka dib markii gaadhiga xamuulka ah ee noociisu ahaa UD waxyaabaha qarxana laga soo buuxiyey ay dad naftood hurayaal ah halkaasi ku qarxiyeen.

Somalia ExplosionSidoo kale waxa ka mid ah dad halkaas ku baaba’ay dad rayid ah oo qaarkood ku lugeynayey waddada isku xidha labada isgoys ee Km4 iyo Zoope kuwaas oo daadsanaa inta u dhexeysa labadaas isgoys, qaar kalena waxay la socdeen gawaadhi halkaas mareysay, dad wada gubtay ayeyna ahaayeen, waxaana ka mid ahaa dadka halkaas ku geeriyooday haweeney uur laheyd oo guud ahaan gubatay caloosheedana ka soo jeeday ilmihii ay uurka ku siday, iyadoo waxa halkaas ka dhacay ay ahaayeen musiibo lagu hoobtay.

SOMALIA-CONFLICT/Mid ka mid ah cisbitaallada magaaladaas ayaa waxa buux dhaafiyey dad dhaawac ah oo ka badan 100 ruux oo kuwaasoo xaaladahoodu ay kala duwan yihiin, waxaana dhakhaatiirka Cisbitaalkaasi oo ku jiray xaalad deg deg ah ay sheegeen 40 ka mid ah dadkaas ay guud ahaantood wada gubteen jidhkooda iyo wejiyadoodana aan la kala garan Karin iyadoo Cisbitaalka sariirahiisa ay buuxsameen taasoo keentay in dadka dhaawacmay qaarkood lagu baxnaaniyo geedo ku yaala jardiinooyinka Cisbitaalkaas hoostooda.

“Qaraxan Baabuurka fuliyay wuxuu ahaa nooca xamuulka, waxaana dusha ka saarnaa foostooyin iyo walxo kale, laba qofna way wateen. Gaadhigu wuxuu isku dayay inuu soo galo xarunta dambi baadhista booliiska CID-da, balse waxaan lagu amray inuu goobta ka tago, dabadeedna wuxuu isku qarxiyay xarunta ay daggenaayeen wasaaradaha dowladda,” sidaa waxa yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Dowlada KMG Somalia Cabdilaahi Xasan Bariise wakhti uu saxaafada la hadlayey.

Qaraxaas ayaa sidoo kale wararku sheegayaan iney ku dhaawacmeen xildhibaano ku sugnaa xarunta hargaha iyo saamaha oo weli magacyadooda an la helin iyo wasiir ku-xigeenka caafimadka ee xukuumada Soomaaaliya Macalin Cali Aadan oo dhaawac fudud uu soo gaadhay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay agaasmimaha wasaarada shaqada iyo shaqalaha ee xukuumada Soomaaliya Aweys Shiikh Xadaad oo isna dhaawac fudud uu ka soo gaadhay qaraxaasi. Sidoo kale, waxa ku dhaawacmay xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda Cagta Soomaalia Cabdiqani Saciid Carab.

Qaraxa Muqdisho (10)Qaraxa oo ahaa mid khasaare xooggan gaadhsiiyay dhismayaasha ku dhow xarunta la weeraray, waxaana goobaha uu burburka u geystay ka mid ahaa Hotel Saxafi iyo sidoo kale hotel lagu magacaabo Kuraasa-cadde oo ku dhow isgoyska KM-4, iyadoo burburka qaraxa uu gaadhay dhul baaxad leh oo halkaas ku yaala, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaarkood ay joogeen isgoyska KM-4, Tre-biano iyo isgoyska dhinaca kale ee Zoope oo ka baxsan goobta uu qaraxu ka dhacay taasoo dad badan ka yaabisay astaana u ah sida uu qaraxaasi uga mug weynaa kuwii ka horeeyey ee ka dhacay magaaalada.

Qaraxa Muqdisho (12)Masuuliyin ka tirsan xukuumada Somalia oo uu ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaliya ayaa goobtaas tagay kuwaasoo kala hagayey howsha gurmadka ah ee halkaas ka socotay, iyadoo ciidamada dowlada KMG Soomaliya ay xidheen guud ahaan goobtaas kana joojiyeen socodka gaadiidka xaaladduna waa mid murugo badan oo aad u cakiran, iyadoo dadka halkaas laga celcelinayey ay ku jireen hooyooyin waalidiin u ah ardayda halkaas ku geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay oo halkaas ku barooranayey kuwaasoo dareenkooda aan la qiyaasi Karin.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxaas ismiidaaminta ah waxayna ku sheegeen inay weerarka la beegsadeen 150-qof oo ay sheegeen in tababar dhinaca sirdoonka ah loogu qaadayey dalka Suudaan, isla markaana ay halkaasi ku dileen kuna dhaawaceen masuuliyin ka tirsan dowlada KMG Somalia, iyadoo qaraxana lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa uguna qasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories