HomeMuqdisho: Nuxurka Qodobbada Laysku Af-gartay ee ka soo baxay Kulan Dhexmaray Farmaajo...

Muqdisho: Nuxurka Qodobbada Laysku Af-gartay ee ka soo baxay Kulan Dhexmaray Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gelinkii hore ee maanta waxa jir Al-baabadu u xidhan yihiin magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey oo xilligan ah hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee dalkaas.

blankIn kasta oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kulankaas, waxa markii uu soo idlaaday saxaafadda la hadlay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen qoddobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay qoddobadii laga wada hadley ee laysku af-gartay ay ku saabsan yihiin:

Doorashooyinka: Wuxuu sheegay in kulanka leysku afgartay in doorashooyinka ay ku dhacaan xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka qeybqaataan, kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka.

Khilaafka Dowlad Goboleedyada:Arrinta Khilaafaadka waxaa leysku afgartay xalinta khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka jira  dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhowrista Dastuurka dalka:Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.

Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda:Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla oggolaadeen in  aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana aysan siyaasada ku milmin oo ay  ciidamada iyo hayadaha amnigana ka madax banaanaadaan siyaasada dalka.

Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir:Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka  Banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli  lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali  ka yahay ayuu sheegay.

La Dagaalanka Al-Shabaab: Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay madaxtooyada ee dhaxmaray hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

@HOL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories